4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Saaxil, dibna xilkiisii ugu magacaabay Guddoomiyihii Hargeysa
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay xilkii ka qaaday Badhasaabkii gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, isla markaana xilkaasi u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Badhasaabkii gobolka Hargeysa dib loogu magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Axmed Xaaji Cabdilaahi Xamarji.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

"Markuu ku Qancay:  Aqoontooda, Kartidooda iyo hufnaantooda shaqo; Wuxuu go aansaday: 1. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.  2.     In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay madaxtooyadda.

Waxaana intaas lagu daray " Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Gudoomiyaha Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta".

Inkastoon madaxweynuhu cadayn sababta dhabta ah ee xilka looga qaaday gudoomiihii hore ee gobolka Saaxil, balse waxay wararku sheegayaan in looga qaaday ka dib markii kalfadhigoodii u horeeyey ay maayir cusub ku doorteen golaha deegaanka ee degmadda  Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Baashe Cabdilaahi Yacquub, kuwaas oo ka soo baxay xisbiyadda mucaaradka ah gaar ahaan UCID iyo WADANI, balse uu xisbiga kulmiye iyo xukuumadduba doonayey in maayarka iyo ku xigeenkiisu noqdaan xildhibaanadii ka soo baxay KULMIYE, taasina ay keentay in xisbiyada mucaaradkii ka guulaystaan isagoo marka shirgudoominayey kalfadhiga golaha deegaanka Berbera gudoomiyahan la bedelay, waxa kale oo goobjoog ka ahaa kalfadhigan wasiirka ku xigeenka arrimaha gudaha, waxaanay labaddan masuul matalayeen xukuumadda dhexe, taasina ay keentay in xilka lagaga qaaday badhasaabkii gobolka Saaxil Ramaax.

Sidoo kale, gudoomiyahan cusub ee gobolka Hargeysa loo magacaabay Axmed Xamarji ayaa ahaa gudoomiyihii hore xilka looga qaaday ka dib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq raashin mucaawimo ah, kaas oo lix bilood ku jiray xabsiyadda magaaladda Hargeysa, haseyeeshee ay maxkamadii waxba ku wayday la iska siidaayey, tan iyo intii uu xidhnaana aan masuul dambe loo magacaabin jagadan imika dib loogu soo celiyey.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland