4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Al-shabaab oo ku goodisay inay sii wadayso dagaallada inta ay dalka oo dhan ka baxayaan ciidamada shisheeye
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada shisheeye inta ay dalka oo dhan ka baxayaan.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dib u qabsadaan deegaannadii laga qabsaday, isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay Muqdisho, Baladweyne iyo Kismaayo.

"Inta aan ka gaarayno hadafkeenna waan wadaynaa dagaallada, waxaana dhab ah in magaalooyinka Soomaaliya ay u hari doonaan Soomaalida oo ay dalalka ciidanka u soo diray ay isaga bixi doonaan marka ay askartooda ku dhammaato kuna xoolo beelaan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in haddii aan lagula dagaalamin ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya deegaannada ay hadda ku sugan yihiin ay la mid noqon doonaan deegaannada ay xoogga ku haystaan ee NDF iyo dhulka Somali Galbeed.

"Haddii ciidamada Kenya aan lagula dagaalamin Kismaayo, waxaa hubaal ah inay la mid noqon doonto degmadaas iyo deegaannada kale ee ay ku sugan yihin Gaarisa iyo Mandheera ee NDF, kuwaasoo ay Kenya muddo hore la wareegtay," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay iyagana doonayaan in deegaannada ay gacanta ku hayaan ay ka mid dhigaan sida deegaannada Soomaali Galbeed ku yaalla, kuwaasoo hadda qaarkeen ay u aqoonsan yihiin inay Itoobiya ka mid yihiin.

Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ay ka talinaysay oo ay ka mid tahay Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya