4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Gargaar dib u kabasho ah oo la gaarsiiyay dadkii ku xoolo beellay abaartii sanad hore ku dhuftay gobollka Hiiraan

Khamiis, December, 20, 2012 (HOL) – Abaartii sanad hore ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan waxaa la oran karaa saameynta ugu darran waxaa ay ku reebtay dadka reer miyiga ah, gaar ahaa qoysaska ay nolashooda ku tiirsaneyd dhaqashada xoolaha kuwaasoo ku soo dhacay gacmo maran kadib markii ay dhaafeen duunyo wixii ay dhaqanayeen.

Qoysaskan oo ahaa kuwo aan markii horeba u baran nolasha magaalada ayeey qasab ku noqotay qaarkood in ay isaga nagaadaan deegaannadii ay markii horeba ku dhaqnaayeen halka kuwa kalana ay soo maciin bideen magaalada oo ay kala kulmeen daruufo dhinaca nolasha ah.

Habada gargaarkii ugu horeeyay ee ujeedadiisu tahay sidii ay dib ugu soo kaban lahaayeen dadkii ay xoolahooda dhaafeen ayaa la gaarsiiyay  175 qoys oo ka mid ah kuwii ku xoolo waayay abaarta 1750 neef oo Ari ah.

Mashruucan lagu kaalmeynayo qoysaska ku tiirsanaa nolasha xoolo dhaqashada ayaa waxaa maalgalinaya dowladda Sacuudiga, iyadoo dhinaca kalana ay si wada jir ah u fulinayeen hay’addaha UNHCR, NRC, iyo SYPD sida uu HOL u sheegay Max'ed Max'ed Gooreey oo ah madaxa xafiiska SYDP ee magaalada Baladweyne.

‘’Qoyskiiba waxaa siinay oo aan ugu talagalnay in ay nolashooda dib ugu abuurtaan 10 neef oo Ari ah ‘’Sagaal dhidig ah iyo hal neef oo Lab ah’’ ujeedada ka danbeysana waa in qoysaska xoolahoodii dhaafeen dib u kabasho ka dhigtaan ayuu yiri,’’ Max'ed Max'uud Gooreey

Deegaannada gargaarka laga qeybiyay ayaa kala ah tuulada Dheen-jeefto, Max’uud Gacal, iyo Bacaad oo dhamaantood ka wada tirsan gobollka Hiiraan.

Dadkii ka faa’ideystay gargaarka ayaa siweyn uga mahad celiyay kaalmada ay helleen iyaga oo sheegay in aysan wali horay u arag gargaar noocan oo kale ah si ay dib ugu bilaabaan nolashoodii xoola dhaqashada.

‘’Tirada qoyskiiba la siiyay waa bilow fiican, annaga agteena 10 neef wax sahlan kama ah, sidaa daraadeed cid kasta oo na soo garsiisay waan uga mahad celineynaa ayuu yiri,’’ Xassan Colaad oo ka mid ah dadkii gargaarkan hellay.

Si kastaba ha ahaatee  gargaarkan ay helleen dadka xoola dhaqatada ah ayaa noqonaya mid ka duwan kuwii hore, madaama ay horay ugu barteen marka ay la soo darsaan xaaladaha oo kale kaalmo maalmo ama waqti kooban nolashooda ku filnaata, halka ay loo qeybiyay gargaar dib u kabasho si ay ugu abuurtaan nolal danbe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.