4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Somalia waa dal khayraad badan leh, waxaa loo baahanyahay oo keliya in Ammaanka la sugo"
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wasiirka horumarinta dowladda Norway, Heikki Holmas iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa safiirka Nowray ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in labaatankii sanno ee lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya lagu qarash-gareeyay lacag aad u fara badan, balse nasiib-darro aan la arag horumar badan oo la taaban karo, sida iskuulo ama isbitaalo ay maamusho dowladda Soomaaliya si ay shacabku loogu faa'iideeyo.

“Soomaaliya waa dal kheyraad badan leh, loona baahan yahay oo kaliya in amniga la sugo si ay shacbka uga faa’ideystaan kheyraadkaas, arrinkaas waan ku gudo jirnaa madaamo uu kow ka yahay lixda tiir siyaasadeed ee dowladdu ay ku shaqeyn doonto,” ayuu madaxweyne Xasan sheegay u sheegay wafdiga ka socday Norway.

Ugu dambey, madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adaha caalamka looga fadhiyo in ay la shaqeeyaan wasaaradda ay isku shaqada yihiin si ay dowladda ay horumar u gaarsiiso shacabka meel walbo ay joogaan.

Wasiirka horumarinta Norway iyo wafdiga la socday ayaan ka hadlin kulankii ay la yeesheen madaxweynaha, iyadoo wafdigan uu qayb ka noqonayo wafdiyo dhowr ah oo ka socda dalka Norway oo Muqdisho ku yimid socdaallo kala duwan iyagoo kala hadlay dowladda Soomaaliya dhinaca horumarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtaa sidii ay ku sugi lahayd ammaanka caasimadda iyo deegaannada kale ee ay gacanta ku hayso, sidoo kale waxay madaxda dowladdu sheegeen inay u qorsheysan tahay inay dalka oo dhan dib u dhis ku sameeyaan kaddib 20-sano oo burbur iyo colaado ay socdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya