4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Wasiiradda Maaliyadda East Timor oo Muqdisho timid la kulantay Mas'uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiiradda maaliyadda East Timor, Emelia Pires ayaa booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantay madaxweynaha Somalia iyo wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, waxayna kala hadashay xiriirka labada dal iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa wasaaradaha maaliyadda labada dal.


Kulanka kaddib ayay labada wasiir u sheegeen warbaahinta in waxyaabihii ay uga hadleen kulankooda oo dhan ay isku afgarteen, iyagoo sheegay inuu u billowday labada wasaaradooda xiriir wadashaqeyneed oo adag.

"Maanta waxaa halkan noogu timid wasiiradda maaliyadda East Timor, waxaana na dhexmaray kulan aan uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, waana isku afgaranay wax walba oo aan kawada hadalnay," ayuu yiri wasiirka maaliyadda oo intaas ku daray in kulammada noocan oo kale ah ay joogto noqon doonaan.

Emelia Pires oo iyaduna saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay booqashada ay ku timid Muqdisho iyo kulanka ay la yeelatay wasiirka maaliyadda Soomaaliya; iyadoo ugu hambalyeysay sahacabka iyo dowladda Soomaaliya isbedellada dalka ka dhacay.

Dhanka kale, war kasoo baxay xafiiska madaxweyaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka codasday wasiirradda in Soomaaliya inay Soomaaliya u baahan tahay inay khibrado la wadaagto dalalka ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Waddanka East Timor oo ka mid ah dalalka ku yaalla bariga fog ee Aasiya ayaa ka go'ay Indonesia inteeda kale 12 sano ka hor, iyadoo wasiiradda ay madax u tahay urur ay ku mideysan yihiin dalaka dhaqaale xumada ba'ani ay ka jirto iyo kuwa deeq bixiyeyaasha ah, si dalalka dhibaatooyinka dhaqaale ay haystaan loo caawiyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore dhamaadkiisa socdaallo ku imaanayay madax ka socota calaamka dacalladiisa kuwaasoo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaal, ra'iisul wasaarayaal, wasiirro iyo mas'uuliyiin kale, kuwaas oo kala hadlay madaxda Soomaalida sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay dunida la leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya