4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Xuska Sanad-guurada 69-aad ee Booliiska Somalia oo Boosaaso lagu qabtay iyo Tirakoobka Fal-denbiyeedka Puntland ee 2012 oo lasoo Bandhigay

Khamiis, December 20, 2012 (HOL)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 69-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagey ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaaradda amniga Puntland ee magaalada Boosaaso.

Waxaana kasoo qayb galay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, saraakiisha ugu sareeya ciidamada, xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo fannaaniin.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay, islamarkaana ka warbixiyey waxqabadka ciidamada Booliska ee sanadka 2012, Col. Maxamed Siciid Jaqanaf oo isagu ah taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland.

Wuxuuna sheegay in Boolisku ay ku guuleysteen gudashada waajibaadka qaran ee saaran. Taliyaha Booliska aya sidoo kale soo bandhigay tirakoobka fal-denbiyeedyada iyo shilalka ka dhacay Puntland sanadka 2012, waxaana kamid ahaa:

Tirada guud ee fal-denbiyeedka  3655
Waxaa loo qabtay 5963
Shilalka gaadiidka 1770 waxaana ku dhintay 330
Miinooyinka la saaray 15673

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo isna madasha ka hadlay, ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu Booliska Soomaaliya soo maray, wuxuuna sheegay nin Boolisku uu ahaa ciidan sharaf leh.

“Waxan idinku boorinayaa inaad ku faantaan inaad Boolis noqotaan, aad baan ugu faraxsanahay maalinta Booliska, waxanna idiin rajeynayaa in sanadkan sanadkiisa uu ilaahey nabad inaku gaarsiyo” Faroole ayaa yiri.

Munaasabadan oo intii ay socotey ay cutubyo ka tirsan Boolisku gaadda ka ciyaar kusoo bandhigeen, islamarkaana ay madaxweynaha salaan sharaf ugu saareen, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay suugaan kala duwan.

Maanta oo ku beegan 69 guuradii kasoo wareegtey markii 1943 la asaasay Booliskii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed, waxaa si weyn looga xusay magaalooyin badan oo kamid ah dalka, kuwaasoo ay ugu horeyso caasimadda dalka ee Muqdisho.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya