4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo iska diiday Eedo ay u soo Jeediyeen Ururadda Siyaasadda Somaliland
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddo loosoo jeediyey, kuwaas oo la sheegay  inay doorashadii ay qabteen guddidu ay musuqmaasuq badani ka jirtay.

Sidaas waxay ka sheegeen war-saxaafadeed ay ku garnaqsanayaan, isla markaana waxyaalihii lagu eedeeyey ay iskaga difaacayeen, iyagoo caqabadihii ka hor yimid doorashada ka hadlaya waxay yidhaahdeen “ waxa aynu ogsoonahay dalkan curdinka ah marka loo barbardhigo caalamka ay jireen culays badan kana maqnaayeen qayb ka mid ah kaabayaasha laf-dhabarta u ah doorashooyinka oo ay ka mid yihiin.

1. Iyada oo aanay jirin qofka muwaadinka ah wax lagu aqoonsado, iyada oo aanay jirin wax lagu garto deegaankiisa iyo inuu gaadhay da’dii doorashada.

2. Iyada oo aynu ogsoonahay in aanay jirin diiwaangelinta codbixiyayaasha (taas oo la laalay).

3. Inaga oo ogsoon in la furay ururadii oo ay ku tartamayeen axsaabta badan.

4. Inaga oo bedelnay hanaankii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka aynu hore ugu galnay ee ahaa in xisbiga la doorto, laguna bedelay in murashaxa loo codeeyo.

Arrimaha kor ku xusan iyo qaar kale oo jiray awgeed waxa ay ka dhigtay in doorashada aynu galay aad looga walaac qabay sida ay u dhacayso. Allaha weyn awoodiisa iyo xikmadiisana waxa doorashadu inoogu qabsoontay si aad uga wacan waxii laga filaayay”.

Waxay intaas ku dareen: “Doorasho kasta oo caalamka laga qabto waxay leedahay cid guulaysta iyo cid laga guulaysto. Waxa iyana laga wada dharagsan yahay in todobada xisbi/urur ee tartamayay ay hadhayeen 4 ka mid ah, halka 7 murashax oo kasta ay dhacayeen 6 murashax. Waxa tani ka dhigaysaa tirada murashaxiinta aan guulaysanayn in kor u dhaaftay 2000 (laba kun oo murashax), halka ay soo baxayeen oo kaliya 350 murashax.”

Guddida Doorashooyinku waxay sheegeen inuu jiro sanduuq ku qornaa goob ka mid ah degmadda Ceerigaabo oo la gala baxay waraaqihii qaarna lagu soo guray, waxaanu sheegay in xisbiyada iyo iyagu ka wada hadleen arrintaasi iyo waxa laga yeelayo, waxaanu xusay in waraaqaha uu ururka Xaqsoor hayaa ee doorashooyinka ah ay yihiin waraaqahaasi la gala baxay sanduuqa Ceerigaabo,balse aanay jirin sanduuq kale oo wax waraaq ahi ka maqan yihiiin.

“Runtii waxaa iyana aan marnaba dhicin horana u dhicin inta waraaqo doorasho la qaado in doox lagu daadiyo waa arrin taariikhda doorasho ee Somaliland aan ka suurogelin codka sanduuq kasta ka soo hoydana waxa isla hubiya oo isla qaata wakiilada xisbiyada iyo ururada iyo hawl-wadeenada Komishanka Degmooyinka”ayey ku doodeen guddida doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa wali cabanaya ururaddii tartanka ka qaybgalay oo sheegay inay cadaalad daro dhacday, isla markaana la boobay codkoodii, waxaanay taageerayaashoodda ugu baaqeen inay ku muujiyaan mudaharaad salmi ah oo aan wax dhibaato ah lahayn.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland