4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Saraakiisha AMISOM oo sheegay in Howlgalladooda ay ku baahinayaan guud ahaan deegaannada Gobolka Hiiraan
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay  wadaan qorshe howlgalkooda  ku gaarsiinayaan demooyinka iyo deegaannada gobollka Hiiraan uu ka kooban yahay

Col Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee  ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay howlgal militari dhawaan ka sameyn doonaan deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

"Qorshahaasi waan wadnaa meel hagaagsan ayaan marineynaa, dabcan marka uu noo soo dhamaado waxaan ku baahan doonaan howlgalkeena deegaannada kale ee gobollka, gaar ahaan kuwa hadda gacanta ugu jira Al-shabaab, ayuu yiri,’’ Col Cismaan Dubad.

Ma uusan sheegi waqti rasmi ah oo howlgalkaasi uu bilaabanayo, laakiin waxaa uu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab in ay ka faa’ideystaan waqtiga sida uu hadalka u dhigay iskuna soo dhiibaan ciidamada AMISOM.

Ciidamada Jabuuti ayaa hadda si rasmi ah uga howlgala magaalada Baladweyne, kadib markii ay kala wareegeen nabad-galyada magaalada ciidamada Itoobiya oo horay u joogay, waxaana ay si wada jir ah u howlgalaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Ciidamo dowladda iyo kuwa Itoobiya oo wada jira ayaa 31-kii bishii December ee sanadkii hore kala wareegay gacan ku heynta magaalada Baladweyne xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya