3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Saraakiisha AMISOM oo sheegay in Howlgalladooda ay ku baahinayaan guud ahaan deegaannada Gobolka Hiiraan
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay  wadaan qorshe howlgalkooda  ku gaarsiinayaan demooyinka iyo deegaannada gobollka Hiiraan uu ka kooban yahay

Col Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee  ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay howlgal militari dhawaan ka sameyn doonaan deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

"Qorshahaasi waan wadnaa meel hagaagsan ayaan marineynaa, dabcan marka uu noo soo dhamaado waxaan ku baahan doonaan howlgalkeena deegaannada kale ee gobollka, gaar ahaan kuwa hadda gacanta ugu jira Al-shabaab, ayuu yiri,’’ Col Cismaan Dubad.

Ma uusan sheegi waqti rasmi ah oo howlgalkaasi uu bilaabanayo, laakiin waxaa uu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab in ay ka faa’ideystaan waqtiga sida uu hadalka u dhigay iskuna soo dhiibaan ciidamada AMISOM.

Ciidamada Jabuuti ayaa hadda si rasmi ah uga howlgala magaalada Baladweyne, kadib markii ay kala wareegeen nabad-galyada magaalada ciidamada Itoobiya oo horay u joogay, waxaana ay si wada jir ah u howlgalaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Ciidamo dowladda iyo kuwa Itoobiya oo wada jira ayaa 31-kii bishii December ee sanadkii hore kala wareegay gacan ku heynta magaalada Baladweyne xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya












Click here
12/20/2012 3:03 PM EST
Khamiis, 20, 12 2012 (HOL) Saddex ruux ayaa lagu toogtay oo geeriyootay labo dhacdo oo kala duwan caawa gudaha degmada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari, sida ay xaqiijinayaan dad ku dhaqan deegaanka Gaarisa.

12/20/2012 9:51 AM EST
Khamiis, December, 20, 2012 (HOL) – Abaartii sanad hore ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollka Hiiraan waxaa la oran karaa saameynta ugu darran waxaa ay ku reebtay dadka reer miyiga ah, gaar ahaa qoysaska ay nolashooda ku tiirsaneyd dhaqashada xoolaha kuwaasoo ku soo dhacay gacmo maran kadib markii ay dhaafeen duunyo wixii ay dhaqanayeen.

12/20/2012 9:38 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Israsaaseyn xooggan ayaa gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmartay kooxo hubeysan oo jidgooyo dhigtay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo iyo ciidamada ammaanka degmadaasi.

12/20/2012 9:10 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) —Munaasabad heersare loo soo agaasimay islamarkaasina lagu xusay maalintii la aasaasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay maanta ka dhacay kuliyadda Jeneraal Kaahiye, iyadoona munaasabadda maanta ay ahayd mid siheersare ah loosoo agaasimay.

12/20/2012 8:14 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wasiirka horumarinta dowladda Norway, Heikki Holmas iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa safiirka Nowray ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

12/20/2012 7:58 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacayo iyo howlgal ay ciidamadu sameeyeen oo dad lagu soo qabtay.

12/20/2012 7:57 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiiradda maaliyadda East Timor, Emelia Pires ayaa booqasho ku timid maanta magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantay madaxweynaha Somalia iyo wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, waxayna kala hadashay xiriirka labada dal iyo sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa wasaaradaha maaliyadda labada dal.

12/20/2012 7:44 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 69-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagey ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaaradda amniga Puntland ee magaalada Boosaaso.

12/20/2012 7:35 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddo loosoo jeediyey, kuwaas oo la sheegay inay doorashadii ay qabteen guddidu ay musuqmaasuq badani ka jirtay.

12/20/2012 1:19 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa la dilay laba kalena dhaawacyo ayaa loo geystay, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen gaari ay wateen ciidamadan oo marayay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

12/20/2012 1:06 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay isbedel ku sameyn doono maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka ee aysan ku qanasanayn shacabka ay maamulaan.

12/20/2012 12:40 AM EST
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qaraxyo xalay ka dhacay Islii oo ka tirsan xaafadaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaaso ay deggen yihiin Soomaalida ku nool xarunta Kenya.