4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2012
Kooxo Hubeysan oo Magaalada Nairobi Dil iyo Dhaawac ugu geystay Saraakiil ka tirsan Booliiska Dalka Kenya
Khamiis, December 20, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa la dilay laba kalena dhaawacyo ayaa loo geystay, kaddib markii kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaadeen gaari ay wateen ciidamadan oo marayay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.


Taliyaha booliiska Nairobi, Moses Ombati ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii ay wateen ciidamada booliiska ayna halkaas ku dileen askari laba kalena ku dhaawacmeen, balse in laga jawaabo falkaas aad looga daahay.

"Saraakiisha waxay ku jireen gaarigooda markii kooxo hubeysan oo burcad ah ay rasaas ku fureen, nasiib-darro halkaas waxaan ku waynay mid ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya, laba kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray," ayuu Ombati ku yiri wareysi gaaban oo uu siiyay wargeysa Daily Nation.

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa raaciyay in kooxihii dhibaatadan geystay ay markiiba ka baxsadeen goobta, isagoo intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay horay dhac ugu geysteen dukaan ayna ka qaateen qalab ay ka mid yihiin laabtoobyo, moobaylo iyo boorsooyin.

Burcadda ayaa la sheegay inay magaalada Nairobi isaga baxeen, iyadoo sarkaalka u hadlay booliiska Nairobi uu sheegay in kooxahaas ay u baxsadeen deegaanno bariga ka xiga xarunta dalka Kenya.

Dhaawacyada saraakiishii booliiska ayaa la dhigay isbitaalka caalamiga ah ee Kenyatta, iyadoo booliiska Kenya uusan weli shaacin magacyada sarkaalka la dilay iyo labada la dhaawacay.

Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo billowgii sannadkan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan haybtooda la garanayn, inkastoo weerarradaas intooda badan ay Kenya ku eedeyso ururka Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya