4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland oo iska Foogeeyey Eedeynta Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa si kulul uga jawaabtey eedeymo dhowr ah oo uu maanta u jeediyey Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland, dhowaanna shaaciyey in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweyne-nimada.

Gudoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Puntland Salaad Xareed Cali oo warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa sheegay in eedeymaha xukuumadda loosoo jeediyey ay yihiin kuwo aan xaqiiqada ku saleysneyn, si gaar ah wuxuu uga hadlay sharciyadda golaha Baarlamaanka.

Wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanku uu wakhti iyo dadaal badan geliyey sidii nidaamka maamul ee Puntland looga dhigi lahaa mid dadka oo dhan u faran, loogana guuri lahaa habkii hore ee madaxda lagu soo dooran jirey, sharcinimada sii shaqeynta goluhuna ay tahay mid Dastuurka ku lifaaqan, Isimada iyo waxgaradkuna ay ogyihiin, raalina ka yihiin.

"Anaga xiligeenu wuxu ku lifaaqan yahay Dastuurka, waxaana naga go'an in aan Puntland gaarsiino hanaan Dimuqraadiyadeed oo buuxa, taasna Isimada ayaa laga ansixiyey oo raali ka ah" Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa yiri.

Mudane Xareed ayaa ugu danbeyntii sheegay in Golahu uu ka turjumayo rabitaanka shacabka, wax aan danta bulshadu ku jirinna aysan sina u aqbali doonin: " Nin intuu dibadda ka yimid leh sidii hore ha laygu doorto, oo aan eegeyn rabitaanka shacabka, waxan u sheegeynaa in aysan taasi socon doonin, maadaama ay tahay wax laysla wada arkay, haybadda Baarlamaankana hoos u dhigtay"

Hadalka Gudoomiye ku-xigeenka golaha Baarlamaanka Puntland ayaa yimid, kaddib markii isla maanta uu Musharrax Gen. Cabdilaahi Siciid Samatar - oo ah siyaasi horay Puntland xilal uga soo qabtay- uu sheegay in Baarlamaanka uu wakhtigu ka dhacay ayna tahay in laka diro.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya