3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Xarakada Al-shabaab oo boqolaal dagaalyahannadeeda ka tirsan tababar ugu soo xirtay Degmada Buulo-burte
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa boqolaal ka tirsan xoogaggeeda tababar ugu soo xirtay saldhig ay ku leeyihiin degmada Buulo-burte oo lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid, waxaana guutadan loogu magac-daray mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Qaacida ee la dilay Abuu-Yaxye Al-Liibi.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay ciidamada ayaa u sheegay inay qayb ka noqon doonaan dagaallada lagula jiro ciidamada dowladda iyo kuwa ciidamada ay gacanta ka helaan ee AMISOM iyo Itoobiya.

"Tababarka lasoo xiray wuxuu socday muddo sannad ku dhow, waxayna xoogaggu ku barteen sida loola dagalaamo cadowga iyo sida loo qaado dagaallada gaadmada ah," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ciidamadii tababarka loosoo xiray la hadlayay.

Ciidamada tababarka loosoo xiray oo wajiyada ay u qarsanaayeen ayaa waxay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan tababarkii ay qaateen, waxaana xirtaanka tababarkan uu imaanayaa iyadoo Al-shabaab dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay laga qabsaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Saldhiggan ayaa waxaa sannadkii hore tababar noocan oo kale ah loogu soo xiray guuto kale oo ay ugu magac-dartay Al-shabaab hoggaamiye ka tirsanaa Al-Qaacida oo lagu magacaabi jiray Abuu-Cammaar, kuwaasoo la sheegay inay ka howlgalaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

"Qof walba oo muslim ah waxaa saaran waajib ah inuu u diyaar-garoobo difaaca diinta Islaamka, maadaama loo baahan yahay qofka muslimka ah inaanu u muuqan mid jilicsan oo aan iska celin karin cadowga Islaamka," ayay yiraahdeen saraakiil ka hadlay xiritaanka tababarka.

Al-shabaab oo u muuqata inay awood ahaan laciiftay ayaa waxay sannadihii lasoo dhaafay isku dayaysay inay af-gambiso dowladda Soomaaliya, balse awooddo dhinaca ciidamada ah oo ay la kulantay kaddib ay isaga baxday deegaanno badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/18/2012 2:27 PM EST
Talaada, December 18, 2012 (HOL)- Ugu yaraan 50-qof oo tahriibayaal ah ayaa geeriyoodey, kadib markii ay dooni kula degtey deegaanka Mareera oo dhowr KM ka durugsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Meydadka 18-qof oo dadkaas kamid ah ayaa ka soo caariyey xeebta, waxaa sidoo kale nolol lagu helay 4-qof, iyadoo ilaa iyo hadda la la'yahay dad ka badan 30.

12/18/2012 7:17 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

12/18/2012 6:58 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay dalka Jabuuti ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Aanaadiif, isagoo kala hadlay howgallada AMISOM.

12/18/2012 6:42 AM EST
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Golaha Deegaanka ee degmadda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa dib u doortay maayarkii hore ee degmadaasi Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Nuur iyo maayar ku xigeen cusub Xildhibaan:Saalax Yuusuf Cabaase.

12/18/2012 3:58 AM EST
Isniin, December 17, 2012 (HOL) —Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Marko oo marar ay xoogagga Al-shabaab ka geeysteen weerrro dhabbagal ah.

12/18/2012 3:00 AM EST
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa saaka aroortii si nabadgelyo ah kula wareegay jaziiradda Kudhaa....