4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 18, 2012
Saraakiisha Dowladda oo Sheegay in ay Sugeen Ammaanka wadada Isku Xirta Magaalooyinka Afgooye iyo Marko

Isniin, December 17, 2012 (HOL) —Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Afgooye iyo Marko oo marar badan ay xoogagga Al-shabaab ka geeysteen weerrro dhabbagal ah.

Taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka Jen. C/laahi Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka wadada isku xirta labadaasi magaalo oo uu xusay in Al-shabaab ay marar badan ka geeysteen weerarro.

Masuulkani ayaa sheegay in ay ciidamo fara badan dhigeen dhowr goobood oo muhiim ah oo ku yaal wadadaasi, wuxuuna xusay in ay markani adagtahay in Al-shabaab ay weerar ka fuliyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay sameeyeen ciidamo guur-guura, kuwaasoo kahortagi doona weerarrada dhabagalka ah ee ay xoogagga Al-shabaab ka fulin jireen wadada isku xirta Afgooye iyo Marka, wuxuuna intaa ku daray in ammaanka wadadaasi uu imika yahay mid la isku haleyn karo.

Xoogagga Al-shabaab ayaa marar badan weerarro la beegsaday kolonyo ciidamo ah iyo madax katirsan dowladda Soomaaliya oo isaga kala gooshaya magaalooyinka Afgooye iyo Marko, iyadoona ay ugu danbeeysay weerarkii ay dhawaan la  beegsadeen wafdigii uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha ee booqashada ku tagay magaalada Marka.

Xarakada Al-shabaab ayaa hore u iclaamisay in dagaalladii fool-ka-foolka ahaa ee ay la geli jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay u badaleen mid ku-dhufoo-ka-dhaqaaq ah, kaasoo ay sheegeen in uu ka khasaaro badnaan doono dagaalka tooska ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya