4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Qorshe-Howleedka ay ku shaqeynayaan 2013 iyo 2014
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay qorshe howleedka ay labada sano ee soo socota ku shaqeyn doonaan, iyadoo saddex mudane oo ka mid ah kuwii kulankaas soo xaadiray ay diideen qorshaha.

Qorshe-howleedkan ayaa waxaa soo diyaariyay guddoonka baarlamaanka iyadoo loo saaray guddi shan xubnood ka kooban oo dib eegis ku sameeya, iyadoo maanta laga dooday qoshaha ugu dambeynna la ansixiyay.

"Aad baan ugu faraxsanahay idin kuguna bogaadinayaa sida looga dooday qorshaha waana arrin dhiirri-gelinaysa in qorshayaasheenna ay noqdaan kuwo aan wadaagno oo aan innagu leennahay," ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray: "Ujeedda loo sameeyay qorshahan waa inaan baarlamaanka loo yeerin wuxuu sameynayo, uuna baarlamaanku gaaro go'aannadiisa gaarka ah."

Mudanayaashii fikirradooda ka dhiibtay qorshahan ayaa waxay soo jeediyeen in lagu sameeyo qodobbada qaarkood wax ka bedel, kuwaasoo ay sheegeen in dhadhanka wax ka bedelayaan, waxaana xubnaha

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu dambeyn mudanayaashii kulanka goobjoogga ka ahaa kulanka oo tiradoodu ahayd 152 ka dalbaday inay u codeeyaan qorshe howleedka uu baarlamaanku ku shaqeynayo.

"Kulanka waxaa soo xaadiray 152 mudane, waxaa ogolaatay qorshahan 149, saddex mudane way ka aamuseen, sidaa daraadeed qorshahan waa mid ansax ah," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay anaixiyay guddi-hoosaadyada baarlamaanka iyadoo ansixinta qodobbadan ay kusoo beegmayso xilli lagu wado in baarlamaanku uu galo fasax qaadanaya muddo laba bilood ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya