4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Kenya oo Dadka aan Sharciga lahayn ugu Baaqday inay ku Laabtaan Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dadka aan sharciga lahayn ee magangalyo doonka ah iyo kuwa qoxootiga ah inay ku laabtaan xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo, iyadoo sheegtay in qorshahan uu ka mid lagu adkeynayo ammaanka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo sannadkan billowgiisa ka dhacayay qaraxyo ay ku waxyeelloobeen dad shacab ah iyo ciidamo waxaana laamaha ammaanka ay dusha uga tuureen weerarradaas kooxo gacan-saar la leh Al-shabaab.

"Dhammaan Soomaalida qoxootiga ah iyo kuwa kale ee magan-galyo doonka ah waa inay tagaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab. Qoxootiga kasoo jeeda dalalka kalena waa inay iyaguna tagaan xerada Kaakuma," ayuu yiri madaxa waaxda arrimaha qoxootiga Kenya, Sora Katelo.

Katelo wuxuu sheegay in la xiray dhammaan xarumihii deegaameynta iyo diiwaan-gelinta qoxootiga, oo sheegay in 60% qoxootiga ku nool dalka Kenya ay ku sugan yihiin magaalooyinka waaweyn, sida magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa waxay saameyn weyn ku yeelanaysaa qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya, kuwaasoo intooda badan maal fara badan geliyay magaalooyinka ay ka mid yihiin Nairobi, waxayna walaac xooggan ka muujinayaan qorshahan cusub ee Kenya ay soo saartay.

"Markii uu qarax ka dhaco Islii ama Nairobi waxaa lasoo abbaaraa Soomaalida, ma garanayno sababta dusha nalooga saarayo dhibaatooyinka ka dhacaya dalkan, si aad ah ayaan uga walaacsannahay xaaladda jirta," ayay tiri gabar ka mid ah kuwa ganacsiga ku haysta Nairobi oo saxaafadda Kenya la hadashay.

Isku-dhacyo ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay dhexmaray dadka Soomaalida ah ee ku nool Islii iyo dad u dhashay dalka Kenya oo doonayay inay hantidooda boob u geystaan, kaddib markii uu qarax ka dhacay xaafaddaas.

Mas'uul u hadlay hay'aadda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegay inay kala hadlayaan dowladda Kenya qorshaha cusub ee ay qoxootiga dib ugu celinayso, iyadoo lagu wado in labada dhinac ay maanta wada-fariistaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya