4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Ufuroow ka sameystay Fariisimo iyo Cabsi ka jirta Diinsoor

Axad, December 16, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ayaa fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Ufuroow, iyadoo cabsi weynna ay ka jirto degmada Diinsoor oo 17-km u jirta Ufuroow.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas, ayna ku baxeen dhinaca jidka aada Muqdisho, waxaana dadka degmadaas ku nool ay sheegeen inay cabsi weyn hayso.

"Xoogaggii Al-shabaab way isaga baxeen degmada Diinsoor, cabsi weyn ayaana jirta, waayo lama oga sida uu noqon doono isbedelka la filayo inuu dhaco," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan Diinsoor.

Maamulka Gobolka Bay iyo saraakiisha dowladda ayaa labaduba sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku wajahan yihiin degmada Diinsoor si degmadaas ay uga saraan gacanta Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin ka bixixtaankeeda degmada Diinsoor, balse maalin ka hor ayay isaga baxeen degmada Ufuroow oo isla gobolkaas ka tirsan, iyadoo ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmadaas ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Ufuroow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaheeda degmadaas, iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu ka billaabeen halkaas howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay sida aadka ugu hardamayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay ka talinayay gobolkaas oo dhan.

Degmada Buurhakaba iyo Diinsoor ayay xoogagga Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Bay, iyadoo haddii laga qabsado labadaas degmo ay noqonayso inaysan Al-shabaab ka talin degmo ka mid ah gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya