4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Labo ka mid ah shaqaalaha markabka MV Iceberg-1 ee lagu haysto degmada Garacad oo la dilay iyadoo 3 kalena la dhaawacay

Sabti, December 15, 2012 (HOL)- Labo kamid ah shaqaalaha markabka MV Iceberg-1 oo lagu haysto xeebaha degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in ay geeriyoodeen, islamarkaana  ay sadex kale dhaawacmeen, kaddib markii ay israsaaseeyeen kooxda burcad-badeeda ah ee markabka haysata iyo ciidamada badda Puntland oo iyagu maalmihii u danbeeyey markabka ku hareereysnaa, dhowr mar oo ay isku dayeen inay soo furtaanna ay u suurta geli weydey.

 

Mid kamid ah kooxda uu markabka MV Iceberg-1 gacanta ugu jiro oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay, ayaa sheegay in 2-da qof ee dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba ay haleeshay rasaas uga timid dhinaca ciidanka, xilli ay shalay gelinkii danbe weerar gaadmo ah kusoo qaadeen, wuxuuna intaas ku daray in sadexda qof ee dhaawaca ah labo ay sahlan yihiin, haseyeeshee midka kale ay xaaladiisu halis tahay.

 

Ninkan oo aan magaciisa sheegin ayaa intaas raaciyey in wax walba oo shaqaalaha markabkan lagu haysto soo gaara ay mas'uul ka tahay dowladda Puntland, isagoo xusay in ilaa ciidamadu ka ag tegayaan aysan wax cunto iyo biyo ah siin doonin lahaystayaasha, wuxuu sidoo kale ku goodiyey in haddii iyaga la qabto aan loo iman doonin hal qof oo dadkaas kamid ah oo nool.

 

"Hadaan dareenno in ay xaaladdu nagu xun tahay, hal mid oo nool looma iman mayo, wixii dadkaas soo gaara Puntland ayaa mas'uul ka ah, anagu sii deyn mayno markabka ilaa aan madax furasho helno, dhankeena sadex wiil ayaa naga dhimatay" ayuu yiri.

 

Dhinaca kale war-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada badda ee Puntland ayaa lagu sheegay in weli uu socdo howlgalka la doonayo in gacanta burcad-badeeda looga soo furto MV iceberg-1, waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu xusay in kooxda markabka haysta ay go'doonsan yihiin, islamarkaana laga diley sadex nin, lagana qabtay hub isugu jiri shan qori oo ah AK-47 iyo hal qori oo nooca ay Soomaalidu daba-jeexa u taqaanno ah, khasaaraha dhanka ciidamadana waxaa la sheegay in uu yahay afar askari oo dhaawacmay.

 

Waa maalintii 6-aad oo la isku horfadhiyo goobta lagu haysto markabka MV Iceberg-1 oo ah inta u dhexeysa deegaanka Il-foocshe iyo degmada Garacad ee gobolka Mudug, waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa nolosha in ka badan 20 badmaax oo muddo 3 sano ku dhow madax-furasho ahaan loo haystey.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya