4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay nin ganacsade ah ku dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan la aqoon ayaa xalay toogasho ku dilay ganacsade caan ah oo siweyn looga yaqaannay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi Jiray Ibraahim Bood-boode ayay kooxahani ku dileen xaafadda Calanleey gaar ahaan isgoyska Somali-star, waxayna durba isaga baxsadeen goobta.

Col Ismaaciil Koofi oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Jubada Hoose oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa inoo xaqiijiyay dilka ganacsadahaasi, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan arintaasi.

“Nin ganacsade ah ayaa xalay la dilay, ilaa hadda lama garanayo cidda dishay laakiin waxaa socdo baaritaanno, waxaana ku rajo weynahay in gacanta lagu soo dhigi doono dadka ka danbeeya dilkaasi,” ayuu yiri masuulkani.

Mar aaan weydinnay cidda lagu tuhmayo dilka iyo weliba hadii ay jiraan dad loo qabtay arintaasi, ayuu yiri ”Kama hordhici karno waxaana ka dhursugeynaa baaritaannada socdo, ilaa imikana ma jiraan cid loo qabtay balse weli dadaal ayaan wadnaa.”

Dilka ganacsadahani ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay aad u wanaagsanayd xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo oo ay ka arimiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya