4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 15, 2012
Xildhibaanaddda cusub ee Boorame iyo Burco oo loo dhaariyey xilka cusub ee dhawaanta ay la wareegi doonaan

Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha maxkamada Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Geeddi Barre ayaa si rasmiya xilkii xildhibaanimo ugu dhaariyay 20 xildhibaan ee cusub ee degmada Boorama ee caasimada Gobolka Awdal, waxaana ka maqnaa hal xildhibaan oo hawl magaalada kaga maqan.

Munaasabadan oo lagu qabtay hoolka maxkamadda gobolka, ayaa waxa ka soo qaybgalay musharraxiintii ururada siyaasadda ee ku guuleystay doorashooyinkii golaha Deegaanka Degmooyinka, masuuliyiinta maxkamadda gobolka, xeer ilaaliyaha gobolka, Saraakiisha ciidamada amniga, madaxda ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee gobolka, guddiga doorashooyinka gobolka Awdal, badhasaabka gobolka awdal, maayarka xilka wareejinaya iyo masuuliyiin kale, waxaana halkaasi laga akhriyey guud ahaanba 64 mudane ee ka mid noqon doona golayaasha deegaanka ee afarta degmo ee gobolka hoos yimaadda, kuwaas oo kala ah degmada Lughaya ,Baki ,Saylac iyo Boorama .

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Awdal Cabdiraxmaan Geeddi ayaa munaasibadda ka akhriyey magacyada xildhibaanada la dhaarinayo, waxaanu sheegay in laga bilaabo maanta ay xildhibaanadaasi sifo sharci ah ku fadhiisan karaan kuraasta golahaasi marka la dhaariyo kaddib .

Gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Xaddii Sidci oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey hawlaha horyaalla xildhibaanada cusub, isagoo dhinaca kalena ku wargeliyey inay kaga dhabeeyaan waxay kusoo ololeynayeen muddada bisha ka badan.

Intaasi ka dib waxa uu guddoomiyaha maxkamadda gobolka Awdal halkaasi ku dhaariyey 20 ka xildhibaan ee beddeli doona golihii hore ee deegaanka Boorama .

Sidoo kale, waxa iyaguna la dhaariyey xildhibaanadii degmadad Burco ee ku guulaystay tartankii bishii number 28-dii ka dhacday Somaliland, waxaan dhaariyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka Togdheer, kaas oo sheegay inay hawshii loo soo doortay qabsan karaan.

Arrintan dhaarinta ayaa soo gabogabaynaysa muran ka taagnaa doorashooyinkii dhacay, iyagoo musharaxiintii hadhay ku doodayeen in dib loogu tiriyo codadkoodii si ay u qancaan, haseyeeshee waxa soo afjartay maxkamadda goboladdan dhaariyey xildhibaanadii soo baxay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland