4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Wasiir Ku-xigeen ka Tirsan Xukuumadda Somalia oo Xilkii iska Casilay
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Cali oo kamid ahaa xubnihii wasiir ku-xigeennada ee shalay la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay jagada loo magacaabay.

Masuulkani ayaa sheegay in uu xilka iska casilay kadib markii ay usoo baxday in beesha uu ka dhashay aysan u cuntamin jagada loo magacaabay.

Mudane Abuukar Xasan Cali oo u waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in kulamo iyo tashiyo kala duwan oo uu la yeeshay beeshiisa in ay usoo baxday in uu iska casilo xilka loo magacaabay oo uu ku tilmaamay mid aysan u qalmin.

“laba wasiir ku xigeen ayaa hal wasaarad loo magacaabay, markaan la tashtay beesha aan kasoo jeedo waxaa noo soo baxday in aynan u qalmin jagadaasi, sidaa ayaana isu casilay,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale  waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in si qaldan loo qoray magaciisa islamarkaasina jagada loo magacaabay aysan ahayn tii loogu talo galay, wuxuuna yiri “Anigu ma ahi nin ku cusub siyaasadda, magaceygana waxa lasoo qoray isaga oo sedexan.”

Masuulkani maanta is casilay ayaa kamid ahaa 20 wasiirro ku-xigeen oo shalay uu ku dhawaaqay ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wuxuuna masuulkani noqonayaa kii ugu horeeyay oo katirsan xubnaha uu ra’isul wasaaraha magacaabay oo ku dhawaaqa in uu is casilay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya