4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Xukuumadda Soomaaliya oo ugu baaqday Mas'uuliyiintii DKMG-ka ahayd inay soo celiyaan Gaadiidka Dowladda
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay mas'uuliyiintii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya inay soo celiyaan gadiidka ay dowladdu leedahay ee weli ku jira gacantooda, iyadoo wasiiraddu ay sidoo kale ansixiyeen heshiis ay dowladda Turkigu ku horumarinayso ciidamada Soomaaliya.


Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in golaha wasiirrada shir ay shalay oo Khamiis ahayd yeesheen kaga doodeen sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa gaadiid dowladda ee weli gacanta ugu jira mas'uuliyiintii dowladdii KMG ahayd.

“Cid walba oo si sharci-darro ah ku haysata gaadiidka dowladda waxaa la farayaa inay dib ugu soo celiyaan gacanta dowladda. Sababtoo ah gaadiidka Qaranka ayaa iska leh ee shaqsi ma lahan. Dhamaan dadka gaadiidka gacanta ku haya waxaa la hayaan magacyadooda iyo taagada gaadiidka weli gacantooda ku jira,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo markii uu soo xirmay shirka wasiirrada la hadlay saxaafadda.

Sidoo kale, wasiirka wafaafinta wuxuu sheegay in golaha wasiirrada ay ka doodeen heshiis uu dhawaan wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi uu lasoo soo galay dalka Turkiga, kaasoo lagu dhisayo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Heshiiskan wuxuu dhigayaa in lacag dhan laba milyan oo doollarka Mareykanka ah ay ku bixinayso dowladda Turkigu dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa ku daray: "Golaha wasiirradu waxay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiiska, waxaana loo gudbinayaan golaha golaha baarlamaanka si ay iyaguna heshiiska u sharciyeeyaan."

Ugu dambeyn, wasiirka wafaafinta wuxuu sheegay in golaha wasiirrada ay sidoo kale ka doodeen sidii dowladda Soomaaliya ay ku heli lahayd hantidii ay dowladdii milateriga ahayd dhigtay bangiyada caalamka, taasoo ugu dambeyntiina loo saaray guddi ka kooban saddex xubnood oo uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadda iyo
Qorsheynta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya