4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya Degmada Jowhar ku Xukuntay Shan qof oo ay ku jiraan Askar
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa shan qof oo mid ka mid ah lagu helay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah.

Shanta qof ee la xukumay ayaa afar ka mid ah waxay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen deegaanno ka tirsan gobolkaas, waxaana xukunku uu dhacay maanta oo Jimco ah.

"Maxkamadda ciidamadu waxay afar askari iyo ruux lagu helay inuu Al-shabaab ka mid yahay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah. Xukunkan waa midkii ugu horreeyay oo maxkamaddu ka fuliso degmada Jowhar," ayuu yiri Col. Liibaan Cabdi Yaroow oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Askarta iyo ruuxa la xukumay ayaa waxaa la qabtay shalay, waxaase ruux oo kale oo isagana lagu eedeeyay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ayay maxkamaddu sii daysay kaddib markii eedeymihii loo haystay loo waayay caddeymo.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa isaguna degmada Jowhar ka sheegay in maxkamaddu ay halkaas ka sameynayso xafiis lagu xukumo askarta dhibaatooyinka u geysta shacabka.

"Halkan (Jowhar) waxaan ka furaynaa maxkamad, waxaana uga digaynaa askarta inay dadka dhibaateeyaan, waayo askariga waa inuu ogaado inuu yahay mid u shaqeynaya shacabkiisa, balse ma ahan inuu dhac iyo dhibaato u geysto," ayuu yiri Jen. Muun-gaab.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya la wareegeen maalmo ka hor, waxayna ka mid noqonaysaa degmooyinkii sannadkan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya