7/8/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee loo yaqaan SOLJA oo Cambaareeyey Xariga Tifaftiraha Wargeyska Waaheen


Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey xadhiga tifaftiraha wargeyska Waaheen oo shalay galinkii dambe loo taxaabay xarunta dambi baadhista ee magaladda Hargeysa.

Ururka SOLJA ayaa sheegay inay ka xun yihiin in warka lagu haysto tifaftiraha wargeyskaasi uu yahay mid ay baahiyeen difaacayaasha xuquuqda baniaadama oo khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa.

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka  shalay Salaadii casar loogu xidhay tifaftiraha Wargayska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto) xarunta CID  ee Magaalada Hargeysa. Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraa’id oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay  maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa  sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, goobjoogayaal xadhiga tafaftiraha in taliyaha C.I.D-du markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray xoghayha guud ee ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.

Waxaanany intaas ku dareen “ Inkastoo taliyaha C.I.D-du beeniyay inuu tafaftiraha  uu xidhay mar uu xalay ururka SOLJA khadka tilifoonka kula xidhiidhay, balse wuxuu  yidhi taliyuhu waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida  ayaan ku idhi igu soo noqo”.

Si kastaba ha ahaatee Waxa uu ururka SOLJA sheegay inuu  cambaaraynayo xadhiga tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado.

 Dhinaca kale, ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen  ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto, maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu.

Ururku waxa ay maxkamaddaha Somaliland iyo garsoorkaba ka codsanayaan inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland









Click here
12/14/2012 3:21 PM EST
Nairobi, Kenya (HOL) - Hey’adda NONDO ayaa maanta qabatay shir dadka curyaamada looga dalbanayo iney dhaq dhaqaaqyada siyaasadda ka qeyb qaataan.

12/14/2012 11:25 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Cali oo kamid ahaa xubnihii wasiir ku-xigeennada ee shalay la magacaabay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu jagada loo magacaabay.

12/14/2012 8:10 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay mas'uuliyiintii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya inay soo celiyaan gadiidka ay dowladdu leedahay ee weli ku jira gacantooda, iyadoo wasiiraddu ay sidoo kale ansixiyeen heshiis ay dowladda Turkigu ku horumarinayso ciidamada Soomaaliya.

12/14/2012 7:55 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax miino xilli halkaas dad haysta dhalashada dalka Kenya loogu qaybinayay kaararka looga qaybgalayo doorashada madaxnimo ee sannadka soo socda ka dhacaysa Kenya.

12/14/2012 7:08 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa shan qof oo mid ka mid ah lagu helay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah.

12/14/2012 6:25 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ugu laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

12/14/2012 6:24 AM EST
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — In ka badan Konton Murashaxiintii ku hadhay Tartankii Doorashada Golaha Deegaanka ee Somaliland ee u tartamayey degmadda Hargeysa, ayaa si weyn u cambaareeyey Gudida Doorashooyinka Qaranka, iyagoo ku baaqay in la qanciyo oo codkoodii dib loo tiriyo si ay ugu samraan.