Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee loo yaqaan SOLJA oo Cambaareeyey Xariga Tifaftiraha Wargeyska Waaheen
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyey xadhiga tifaftiraha wargeyska Waaheen oo shalay galinkii dambe loo taxaabay xarunta dambi baadhista ee magaladda Hargeysa.
Ururka SOLJA ayaa sheegay inay ka xun yihiin in warka lagu haysto tifaftiraha wargeyskaasi uu yahay mid ay baahiyeen difaacayaasha xuquuqda baniaadama oo khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa.
"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka shalay Salaadii casar loogu xidhay tifaftiraha Wargayska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto) xarunta CID ee Magaalada Hargeysa. Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraa’id oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, goobjoogayaal xadhiga tafaftiraha in taliyaha C.I.D-du markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray xoghayha guud ee ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax.
Waxaanany intaas ku dareen “ Inkastoo taliyaha C.I.D-du beeniyay inuu tafaftiraha uu xidhay mar uu xalay ururka SOLJA khadka tilifoonka kula xidhiidhay, balse wuxuu yidhi taliyuhu waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida ayaan ku idhi igu soo noqo”.
Si kastaba ha ahaatee Waxa uu ururka SOLJA sheegay inuu cambaaraynayo xadhiga tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado.
Dhinaca kale, ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto, maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu.
Ururku waxa ay maxkamaddaha Somaliland iyo garsoorkaba ka codsanayaan inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]Hargeysa, Somaliland