4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Qarxay ka dhacay Jidka Maka Al-Murakama ee Muqdisho oo geystay Khasaare Nafeed oo kala duwan (SAWIRRO)

Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Ugu laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliiska iyo kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray, waxaana labada qof shacabka ah uu midkood ahaa makaanik sameynayay gaari goobta qaraxu ka dhacay meel ku dhow yaallay halka midka kalena uu ahaa qof la socday baabuurta kuwa rakaabka qaada ah.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo wariyeyaasha kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydka hal qof oo rayid ah oo saarnaa gaari kuwa dadweynaha qaada ah ah iyo dhaawacyada toddoba qof ee kale.

"Gaariga qaraxa sameeyay taargadiisu waxay ahayd AB 5143, waxaana billowday baaritaan lagu ogaanayo cidda iska leh," ayuu yiri Jen. Bariise oo mas'uuliyadda weerarka dusha ka saaray Al-shabaab, balse ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, iyadoo aan la ogeyn halka ay ka baxeen kooxihii baabuurka qarxay watay.

Sidoo kale, goobjoogayaal ay la hadashay HOL ayaa sheegay inay arkeen maydka laba qof oo shacab ah iyo dhaawaca fara badan, waxaana goobjoogayaasha qaarkood oo ku sungaa waddada ay sheegeen in gaariga qarxay uu goobta soo isgaartay wax-yar ka hor markii uu qarxay ayna filayaa inuu qof ku jiray gudaha gaariga, waxaana xilliga qaraxu uu dhacayay jidka marayay ciidammo ka tirsan AMISOM.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn, waxaan taagnaa xilliga uu dhacayay meel boqol tallaabo u jirta halka uu ka dhacay, waxaan maqlay jug weyn, waxaan markiiba arkay gaari uu qiif fara badan ka baxayo, laba qof ayaa dhimatay inta aan arkay," ayuu yiri Maxamed Cumar oo HOL la hadlay.

Dhismayaasha ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa burbur xooggan uu soo gaaray, inkastoo goobaha ganacsi ee halkaas ku yaalla ay maanta xirnaayeen maadaama ay ahayd maalin Jimco ah.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya