4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Kulan looga hadlayay Ammaanka iyo Horumarinta Gobolka Hiiraan oo lagu

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlay ammaanka iyo horumarinta gobolka Hiiraan oo uu ka qaybgalay ugaaska beesha Xawaadle, ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen nabaddoonno iyo waxgarad ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii lagu horumarin lahaa gobolka Hiiraan oo ku  yaalla bartamaha Soomaaliya iskuna xira gobollada Koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya.

"Dadkii gobolka Hiiraan ku noolaa waxay kusoo bateen Muqdisho, waa inay dib ugu laabtaan gobolkii ayna ka shaqeeyaan horumarkiisa iyo nabadgalyadiisa, sidoo kale waa in dadka gobolka ay kuwada noolaadaan
nabad iyo deggenaasho," ayuu ku yiri ugaaska beesha Xawaadle hadal uu ka jeediyay kulanka.

Ugaaska ayaa sidoo kale ku boorriyay jufooyinka beesha Xawaadle inay iska soo magacaabaan nabaddoon si maamul mideysan loo helo, isagoo ugu baaqay dadka kasoo jeeda beesha ee ku nool dalalka dibadda inay gacan ka geystaan horumarinta gobolka Hiiraan.

Nabadoon iyo waxgarad iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ujeedada kuanka, waxayna codsadeen in laga shaqeeyo sidii dadka kula nool gobolka Hiiraan ay ugula noolaan lahaayeen
nabad.

"Beesha Xawaadle waxaa ugaas u ah Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, mana jiro cid kale oo mateli karta beesha," ayay yiraahdeen nabaddoonno dhowr ah oo ka hadlay kulanka; iyadoo halkaas uu ugaasku uga dhawaaqay shirweyne la qaban doono bisha July ee sannadka soo socda.

Ugu dambeyn, Ugaaska oo kulanka soo xiray ayaa wuxuu halkaas ka jeediyay duco taasoo ay dadkii kulanka ka qaybgalay oo dhan aamiinsadeen, waxaana kulankan uu kusoo gabgaboobay jawi farxadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya