4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Afhayeenka Ururka Raaskabooni oo sheegay in Amniga Magaalada Kismaayo uu yahay mid la isku halleyn karo

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ururka raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose  uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, isagoo xusay in dadkii horay uga barakacay magaaladaas ay dib ugu soo laabanayaan.

C/naasir Seeraar oo la hadlayay laanta afka Soonaaliga ee VOA-da isagoo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in amaanka Kismaayo uu yahay mid la isku halleyn karo, wuxuuna xusay in illaa 9:00 habeenimo ay dadku socdaan.

"Ammaanka magaalada aad ayuu u fiican yahay, maalinba maalinta ka dambeysana wuu sii hagaagayaa, waana la isku halleyn karaa. Dadkii horay uga baxayna way ku soo laabanayaan magaalada iyagoo ku imaanaya cirka, dhulka iyo badda," ayuu yiri Seeraar oo sheegay in xaaladdu ay sidii hore ka wanaagsan tahay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bishii Oktoobar la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo ururka Raaskambooni, kaddib muddo shan sano ah oo ay Al-shabaab ka talinaysay, iyadoo nabadda Kismaayo ay ahayd mid wanaagsan xilligii Shabaabku joogeen.

Goobjoogayaal ku nool magaalada Kismaayo ayaa iyaguna qiray inay xaaladda amni ee magaaladaas tahay mid kasoo raynaysay sidii hore, waxayna goobjoogayaashu sheegeen inay jiraan jidad weli ka xiran, inkastoo ganacsigu uu yahay mid dib u soo laabanaya.

"Xaaladda amni ee magaalada waa mid wanaagsan, illaa fiidkii ayaan ku gaarnaa caweyska, laakiin 9:00 habeenimo wixii ka dambeeya guryaha ayaan ku xaroonaa," ayay tiri Nimco Cumar oo ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Kismaayo.

Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaan weli loo sameyn wax maamul ah, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu murmay maamul u sameynteeda, waxaase madaxda dowladda federaalka ah ay ku adkeysanyaan in maamulka Kismaayo uu noqdo mid ay sameystaan shacabka Jubbooyinka ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya