4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan albaabbadu u xiran yihiin kula qaatay, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Aarnauut Cali oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Kulankan oo aan la ogeyn wixii looga hadlay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

"Dadka waa dadkiinnii ee dhex-gala oo la hadla," ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wafdiga ka socday Jabuuti sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kaddib kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.


Warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuhu uu wafdiga ka socda dalka Jabuuti si weyn ugu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo uu kulanku ka dhacay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad u ammaanay booqashadii uu ku tagay dalka Jabuuti, isagoo ka dhawaajiyay inay wada-shaqeyn doonaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdiga la socda ayaa waxay safar saddex maalmood ah ay ku yimaadeen shalay magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya