3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Hoteladda Magaalada Hargeysa oo Maanta ay buux-dhaafiyeen Dhallinyaro [SAWIRRO]

Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacay aroos wadareedkii ugu badnaa sanadkan, waxaana dhamaan camirnaa hoteellada waaweyn ee inta badan ay ka dhacaan xafladaha meherka iyo aroosyada iyadoo la waayay hoolal la kiraysto.

Dhallinyaro ad u farobadan ayaa maanta xafladii meherkii guurkoodu ka dhacay hoteelada kala duwan ee ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxaanay lagu sheegay sababta uu maanta xafladaha meherku u bateen maalinta, bisha iyo sanadka oo is waafaqsan, kuna beegan maanta 12.12.2012,
waxaana isku wada number eeg maalinta, sanadka iyo bisha, taas ayey dhallinyaradu ku doorbideen inay ku beegan guurkoodda.

Hoteelka Maansoor oo aan maanta booqday, ayaa waxa buux dhaafiyey dadweyne farobadan oo lagu soo marti qaaday aroosyadda kala duwan ee meherkoodu ka dhacayey huteelka, waxaanad arkaysay dad badan oo ku dawakhsan hoolka uu ka dhacayo caruuska marti qaaday meherkiisu maadaama oo dhamaan hoolalka hoteelka ay ka dhaceen aroosyo badan.

“maanta waa maalin taariikhi ah waxaana la kala waayey hoolal lagu kala qabsado meherada oo dhamaan hoteeladdu way buux dhaafeen, oo tusaale ahaan hoteelkan aynu imika joogno waxa ka dhacay ilaa 13 aroos”ayuu yidhi CabdiCadil Maxamuud Caydiid oo kamid ah dhallinyarada
ka qaybgalaysay aroosyada kala duwan ee ka dhacayey hoteelka.

Mid ka mid ah dhallinyarada arooska oo aan waydiiyey sababta uu manta oo kale ugu beegay waxa uu yidhi “maanta waa maalin qaali ah waa maalin ay isku mid noqdeen sanadkii, bishii iyo maalintii (12.12.012), waana maalin aan dib usoo noqonayn, oo aan la heli karin, waa sanad dhamaadkii iyo qarni kale, markaa waxaan ilaahay ka baryeyaa qarnigan iyo maalinta qaran ee ilaahay isku beegay bashbash iyo barwaaqo aanu ku dhamaysano”.

Inta badan magaaladda Hargeysa ayaa ah meelaha ugu guurka qaalisan,waxaana dhallinayarada guurdoonka ah caqabad ku ah xaga dhaqaalaha oo laga rabo lacag aad u badan iyo munaasibado balaadhan oo lagu marti qaado ilaa boqol qof oo ay ku jiraan dadka magac leh iyo masuuliyiinta
la qayaan.

“Horta aroosyadii ayaa tartan noqday oo marka uu imika nin dhallinyaro ahi guursanayo waxa laga rabaa lacag badan, waa inuu casuuma dad madax ah oo qaybaha kala duwan ee bulshadda leh, marka aad dad madax ah ama wasiir ah aad casuumtid waxa laga rabaa inuu aroosku bixiyo lacag
badan si masuuliyiintaasi gabaati fiican u helaan, waxaanay arrintani noqotay mid la iskugu faano oo mid kasta ka kale ka badiyo”sidaas waxa ku dooday Axmed Muxumed Jicsan oo ka waramayey qaabka ay doonistu u dhacdo.

“maanta oo kale waxay usoo bateen waxa isku sar go’an taariikhda (12-12-2012, waxaanan kaadhadhka xafladaha u samaynay ilaa dhawr iyo toban aroos, inta badana aroosyadu waxay badan yihiin maalmo gaar ah sida maalinta sanadka cusub, maalmaha ciidda iyo maalinta February
14-keedda ee jacaylka aduunka, marka maalmaha taariikhda leh ayey dhallinyaradu jecel yihiin inay is guursaadaan ama aqalgalaan”ayuu yidhi Mustafe Maxamed Daahir oo ah maamulaha shirkadda Maydh Multi Services ee daabacada kaadhadhka casuumadaha.

Si kastaba aha ahaatee, isguursiga dhallinyrada ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday taasi oo ay sababtay kharashka faraha badan ee laga rabo wiilka guursanaya, iyadoo maalinta doonista ama meherka oo kaliya laga rabo ilaa laba kun oo dollar oo yarad ah iyo sagaal boqol oo gabaati ah, meherka inanta loogu meheriyo oo ah (200 gr ilaa 300 Giraam oo dahab ah), waxa intaas u dheer kharashka hoolalka oo kala duwan (hoteelada iyo hoolalka way kala qaalisan yihiin) iyo kaadhadhka martiqaadka oo lacag gaar ah, arrimahaasi is biirsaday waxay keentay inay guurkii yaraado, haseyeeshee, waxa maanta ka dhigaysaa aroosyada magaaladda Hargeysa ka dhacay mid ka badan sidii hore la isku guursan jiray, waxaanay keentay in dad badan maalintan sugayey  wakhti dheer in maalinta meherkoodu dhacay maanta oo kale.

Inkastoo ay lababa halka ay iska hesho uun tahay, oo aanu qofna ku qasbanayn in qaabkan oo kale u dhacdo, laakiin inta badan dhallinyarada ayaa qaabkan kharashka badan ku baxayo sameeya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
12/12/2012 8:39 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiray nin Injineer ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay isgoyska Dabka ee waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale uu shilkaas ku dhaawacmay wadihii gaariga shilka galay oo ahaa nooca raaxada.

12/12/2012 8:17 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal tiradoodu ahayd 90 ayaa maanta tababar loogu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kaddib tababar u socday muddo hal sano ah.

12/12/2012 7:19 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Urur siyaasadeedkii saddexaad ee bishan gudeheeda la furo ayaa looga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shalay oo Talaado ahayd. Ururkan oo magaciisu yahay [Midnimo] waxaa ku bahoobay in badan oo kamid ah aqoonyahanka iyo ganacsatada waaweyn ee Puntland.

12/12/2012 7:04 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa gabar Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay lacag gaaraysa 1,450 doollar u dirtay dalka Mareykanka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay nin Suuriya u dhashay oo la sheegay inuu doonayay inuu ku biiro Al-shabaab.

12/12/2012 6:15 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.

12/12/2012 2:25 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay shalay gallinkii dambe lix qof oo Soomaali ah iyo hub ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayna hubka u wadeen degmada Gaarisa.

12/12/2012 1:58 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hay'adda isku-duwidda gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa sheegtay in xaalad cunno-yari iyo mid bani'aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya; iyagoo sheegay in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo kala duwan.

12/12/2012 1:56 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo farriin maqal ah soo dhigay bar Internet oo taageerta Al-shabaab ayaa ku sheegay inay weli iyagu ka taliyaan gobolladii ay Kenya qabsatay, isagoo fariin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya.