4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Shil sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Waddada ugu Mashquulka badan Magaalada Muqdisho


Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiray nin Injineer ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay isgoyska Dabka ee waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale uu shilkaas ku dhaawacmay wadihii gaariga shilka galay oo ahaa nooca raaxada.

Gaariga shilka galay ayaa ka dhacay bohol laga dumiyay guri oo ku taalla isgoyska Dabka, iyadoo labada qof ee dhintay uu mid ahaa qof uu gaarigu waddada kasii qaatay markii uu hoga ku dhacayay iyo Injineer gaariga saarnaa.

"Baabuurka shilka galay wuxuu ka yimid dhinaca degmada Waaberi, wuxuuna isagoo si xowli ah ku socda ku dhacay godka oo la doonayay in dhisme laga dhiso, labada qof ee dhintayna waxaa ku jiray injineerkii halkaas guriga ka dhisayay," ayuu yiri Maxamed Mangaani oo ka mid ah ciidamada ilaalada wadooyinka oo ku sugnaa halka uu shilku ka dhacay.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca isgoyska dabka tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho sannadkii hore, iyadoo ay ciidamada ilaalada waddooyinka ay sheegeen inay gaadiid fara badan ay kusoo kordheen magaalada, sidoo kalena aysan wadayaashu lahayn xifado ku filan.

"Arrintan waa mid aad looga naxo, jug xoog badan ayaan maqlay markaan dibadda u soo baxay wax waan arki waayay, balse markii aan dibadda u soo baxay ayaa la i tusay gaariga godka ku dhacay, runtii waxay ahayd arrin aad u naxdin badan," ayay tiri haweeney dukaan ganacsi ah ku haysatay halka uu shilku ka dhacay.

Dadweyne badan ayaa markiiba ku xoomay goobta uu shilku ka dhacay iyagoo halkaas ka qaaday darawalkii gaariga oo miyir-daboolmay, sidoo kalena waxaa isbitaalka Madiina la dhigay qofkii uu gaarigu jidka kasii qaatay oo la aqoosan la'yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya