3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waddanka Jabuuti iyo Wafdi la socda oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho



Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyagoo kulan la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay uga hadleen safarka ay ku yimaadeen Muqdisho.

Idiris Aarna'uut Cali oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inay casuumad ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayna ku sugnaan doonaan Muqdisho iyagoo muddadaas kulammo la yeelan doona xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

"Booqashada uu halkan ku yimid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa tii ugu horreysay oo guddoomiye baarlamaan oo ka socda dalalka dariska ah uu ku yimaado Muqdisho," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay wafdigan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada ay dowladda Jabuuti u fidisay shacabka iyo dowladda Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay mid ay mar walba xusuusan doonaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimaado magaalada Muqdisho, inta uu joogana uu la kulmi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaad tihiin mudanayaal wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, shaqadiina waa in ay noqoto mid ay si daacad ah u gudataan; waxaana idin kugu hambalyeynaynaa hoggaanka aad u soo doorateen Soomaaliya,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti u sheegay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah kuwa AMISOM, kuwasoo ka howgalaya gobolka Hiiraan, waxaana dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore isku day-day inay xal u hesho dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/12/2012 11:29 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacay aroos wadareedkii ugu badnaa sanadkan, waxaana dhamaan camirnaa hoteellada waaweyn ee inta badan ay ka dhacaan xafladaha meherka iyo aroosyada iyadoo la waayay hoolal la kiraysto.

12/12/2012 8:39 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiray nin Injineer ah ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay isgoyska Dabka ee waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale uu shilkaas ku dhaawacmay wadihii gaariga shilka galay oo ahaa nooca raaxada.

12/12/2012 8:17 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal tiradoodu ahayd 90 ayaa maanta tababar loogu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kaddib tababar u socday muddo hal sano ah.

12/12/2012 7:19 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Urur siyaasadeedkii saddexaad ee bishan gudeheeda la furo ayaa looga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari shalay oo Talaado ahayd. Ururkan oo magaciisu yahay [Midnimo] waxaa ku bahoobay in badan oo kamid ah aqoonyahanka iyo ganacsatada waaweyn ee Puntland.

12/12/2012 7:04 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa gabar Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay lacag gaaraysa 1,450 doollar u dirtay dalka Mareykanka ku xukuntay sideed sano oo xabsi ah, sidoo kale maxkamaddu waxay xukuntay nin Suuriya u dhashay oo la sheegay inuu doonayay inuu ku biiro Al-shabaab.

12/12/2012 2:25 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay shalay gallinkii dambe lix qof oo Soomaali ah iyo hub ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayna hubka u wadeen degmada Gaarisa.

12/12/2012 1:58 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hay'adda isku-duwidda gargaarka bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay UNOCHA ayaa sheegtay in xaalad cunno-yari iyo mid bani'aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya; iyagoo sheegay in afar milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo oo kala duwan.

12/12/2012 1:56 AM EST
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo farriin maqal ah soo dhigay bar Internet oo taageerta Al-shabaab ayaa ku sheegay inay weli iyagu ka taliyaan gobolladii ay Kenya qabsatay, isagoo fariin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya.