4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2012
Hoggaamiyaha Al-shabaab oo sheegay in Kenya ay ku Fashilantay Duullaankii ay kusoo qaadday Soomaaliya
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo farriin maqal ah soo dhigay bar Internet oo taageerta Al-shabaab ayaa ku sheegay inay weli iyagu ka taliyaan gobolladii ay Kenya qabsatay, isagoo fariin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in Kenya ay isku dayday inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka; balse ay ku guul-darreysatay, isagoo xusay in weli ay iyagu ka taliyaan deegaannadii ay la wareegeen ayna rajeynayaan inay dib uga qabsadaan deegaannadaas.

"Kenya waxay isku dayday inay baabi'iso sharafta, sumcadda iyo caqiiqada muslimiinta Soomaaliya ku dhaqan, waxay isku dayeen inay na khiyaanaan balse Alle ayaa iyaga dhagray. Gobollada Kenya ay sheegtay inay qabsadeen innaga waxay noola muuqdaan inay weli gacanteenna ku jiraan, weli halkaas waxaan ka faafinnaa kalimadda towxiidka, zekada ayaan ka qaadnaa, amniga ayaan sugnaa, tacliintii islaamiga ahna waan ka fidinnaa, taasna waxay ku tusaysaa inaan weli ku leennahay galaangal lama oran karo way naga qabsadeen," ayuu yiri hoggaamiyaha Al-shabaab.

Sidoo kale, hoggaamiyuhu wuxuu sheegay inay weerarro la beegsadaan saldhigyada ay Kenya kaga sugan tahay Soomaaliya, sidoo kalena ay Kenya gudaheeda ay ka geystaan weerarro, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso awoodda ay leeyihiin u leeyihiin inay ka aargutaan Kenya.

Amiirka Al-shabaab wuxuu dalalka dariska la ah Soomaaliya uu ku eedeeyay awood ballaaran u isticmaaleen duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya ku dhaqanka sharceeda Islaamka cunaha u qabtaan, balse taas uma suurogelin. Isagoo xusay in lagu qabto Soomaaliya shirar looga arrinsanayo dagaal ka dhan Islaamka.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa farriintiisa baaq ugu diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya isagoo ku boorriyay inay la dagaalamaan xukuumadaha dalalkooda ka jira, wuxuuna si gaar ah ula hadlay muslimiinta Itoobiya isagoo ku boorriyay inay ka faa'iideystaan geeridii ku timid Meles Zenawi oo ku sheegay inay tahay fursad weyn.

"Hadda waxaa la joogaa casrigii jihaadka iyo kacdoonka, waa inaadan ku qancin inaad tihiin dadka laga tiro badan yahay, waayo waxaa fursad idiin ah geeridii ku timid Meles Zenawi," ayuu yiri Abuu-Zubeyr.

Farriintan ayaa noqonaysa tii labaad oo hoggaamiyaha Al-shabaab uu soo saaro tan iyo markii ay ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Itoobiya ay deegaano badan kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya