4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo xalay ku Geeriyooday London iyadoo lagu aasi doono Magaalada Muqdisho
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ganacsade Cismaan Axmed Rooble oo ahaa wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain maqribnimadii xalay isagoo 93 jir ahaa.

Marxuumka ayaa tobankii sano ee ugu dambeeyay dalka ka maqnaa, wuxuuna u dhintay xanuun toddobaadyadii ugu dambeeyay hayay, iyadoo lagu wado in maydkiisa la keeno Muqdisho maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo aaso.

"Aabbahay wuxuu 1919 ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna xildhibaano iyo wasiir kasoo noqday dowladihii rayidka ahaa ee Soomaaliya, markii kacaanku uu dalka ka curtay wuxuu noqday ganacsade oo uu illaa hadda ahaa," ayuu yiri Axmed Cismaan Axmed Rooble oo ka mid ah wiilasha uu dhalay marxuumka.

Sidoo kale, Siciid oo isaguna ka mid ah wiilasha uu dhalay Cismaan Axmed Rooble ayaa sheegay in aabbihii uu ifka uga tagay 107 oo isugu jira wax uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen, isagoo xusay in lagu aasi doono Muqdisho.

"Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaan rajeynaynaa in maydka marxuumka la keeno Muqdisho, waxaana lagu aasi doonaa masjidka Macallin Biimaaloow oo ku dhow suuqa Bakaaraha ee Muqdisho," ayuu yiri Siciid Cismaan Axmed Rooble.

Caruurta uu dhalay Marxuumka ayaa tiradooda lagu sheegay 31 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasoo sii dhalay 76 caruur ah, waxaana marxuumka uu muddo u xirnaa dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya