4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Natiijadii Muranka Badan Dhalisay u Gudbiyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Guddida Doorashooyinka ayaa arrintii khilaafku ka taagnaa ee natiijadda degmadda Hargeysa iskaga gudbiyey maxkamadda gobolka Hargeysa, iyagoo soo jeediyey in cidii dacwad qabta loo gudbiyo maxkamadda gobolka.

Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Qaranka Ciise Yuusuf Xamari ayaa sheegay inay dib u eegeen codadkii degmadda Hargeysa, isla markaana ay saxeen degmadda Faro weyne oo ka tirsan magaaladda Hargeysa oo si khalad ah loo laba qoray dhibceheedii.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay isku fahmi waayeen xisbiyada qaabka dib loogu tirin lahaa doorashooyinka, taasina ay keentay inay natiijadii gobolka Hargeysa ee cabashadu ka timid u gudbiyaan maxkamadda gobolka Hargeysa si looga garnaqo.

Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska komishanka doorashooyinka, waxaanu u qornaa sidan; "Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha”.

Waxa intaas lagu daray “Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa. Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda”.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in cidii dacwad qabtay ay u gudbiyaan maxkamdda Gobolka Hargeysa “Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo xisbiyadda iyo Murashaxiinta. Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa. Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaa dadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro."

Arrintani waxay timid ka dib markii ay guddida iyo xisbiyadu isku mari waayeen qaabka loo marayo tirinta dambe, sidaa darteed ay ka noqdeen go’aankoodii hore ahaa dib u tirinta, isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka si ay uga garnaqdo.

Haseyeeshee, dib u sixidan ayaa xildhibaanadii soo baxay ku keenaysa isbedel, kuwaas oo qaar ka mid ah ay wax iska dhimanayaan dhibcihii codadkooda, inkastoo aanay komishanku wali si cad u sheegin isbedelka ku yimid dhibcihii is bedelay, waxaase wararku sheegayaan in xildhibaano hore loo shaaciyey inay soo baxeen inay dhibcahan la saxay ku keentay inay hadhaan, halka kuwo hadhayna dhibco u soo siyaadeen.

Si kastaba ha ahaatee,gudoomiyaha ururka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in aan lagu aamini karin gudidan doorashooyinka masuuliyada culus ee ay hayaan, waxaanu ka codsaday inay is casilaan, inkastoo uu sheegay in aanu ku qanacsanayn natiijada ay soo saareen, balse waxa uu sheegay inuu danta qaranka ku dhaafayo natiijadda ay soo saareen, si aanay ummadda dhibaato uga iman,  isla markaana uu tixgelnayo nabadgalyadda shacabkiisa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland