4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo su'aalo weydiiyay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su'aalo weydiiyay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.


Su'aalaha wasiirradan la weydiiyay ayaa waxay kala ahaayeen, sababtii loo xiray wariyihii BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan iyo sababtii loo kireeyay safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga.

"Waxaa naga go'an inaan ka daba-tagno dhammaan hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, sida guryaha, diyaaradaha iyo maraakiibta. Laakiin su'aasha aad i weydiiseen waa mid aniga iga horreysay. Aniga iyo ra'iisul wasaaruhuna waan ka hadalnay mowqifka dowladda ee ku aaddan hantida Qaran ee maqan," ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in guddi ay iyadu madax u tahay loo saaray daba-galka hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, iyadoo intaas ku dartay in inay direen dad uga soo warbixiya hantida Qaranka ee maqan iyaguna ay ka warsugayaan wixii ay u soo gudbiyaan.

Dhanka kale, wasiirka gaashanadhiga Soomaaliya ayaa isagana la weydiiyay su'aal ku saabsanays sababtii keentay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xirto wariyihii BBC-da, isagoo sheegay in xariga wariyaha uu ku yimid tabinta war ku saabsan in si xaq-darro ah ay maxkamaddu u dishay wiil Soomaaliyeed oo lagu magcaaaba C/qaadir Yoonis, kaasoo aan loo qaban wax qareen oo ah u dooda.

"Xaqiiqdii wariye Ibraahim shaqada waa ku cusbaa, wuxuu shaqeynayay laba bilood oo keliya, waxaana caddaatay inuusan lahayn tababar iyo xirfad ku filan shaqada uu hayo. Markii maxkamaddu ay weydiisay inuu maxkamadda horteeda keeno ama u sheego ninka sheegay inuu yahay abbaha wiilka la dilay wuuna awoodi waayay, wuxuuna sheegay inay aabbaha uu wargeystay uu ku sugan yahay Jowhar weligiina uusan  la kulmin - caddeyn aan ahayn wareysigiisana uusan ahayn, taasina waxay caddeyn u noqotay in wariyuhu ku xad-gudbay howshiisa," ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Wasiirku wuxuu sheegay in wafdi ka socda BBC-da ay Muqdisho yimaadeen ayna raalli-gelin ka bixiyeen warkii ay sii daayeen, wuxuuna xusay in taasi ay keentay in lasii daayo wariyaha oo hadda aan ku jirin gacanta ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa su'aalaha kaddib hadalka qaatay isagoo u mahadceliyay labada wasiir soo xiray kulanka, wuxuuna guddoomiyhu ku baaqay inaan la dhibaateyn wariyeyaasha, sidoo kalena wariyeyaashu ay iska ilaaliyaan xadgudubyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya