4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2012
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay Difaacayaan Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee AMISOM ay difaaci doonaan xuquuqul aadanaha Soomaaliya, kaddib markii shalay la qabtay maalinta xuquuqda aadanaha ee adduunka oo ku beegnayd Isniintii shalay.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay ka go'an tahay inay difaacaan xuquuqda dadka Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay inay ka shaqeynayaan sidii deeqaha loo gaarsiin lahaa dadka baahan iyo in colaadaha Soomaaliya lasoo afjaro si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad.

"AMISOM maanta waxay maanta ka caawinaysaa dowladda Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka deegaannada dalka is ay shacabku ugu noolaadaan nabad iyo xorriyad," ayuu Annadif ku yiri warsaxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay sameeyaan mararka qaarkood wacyigelinno ku saabsan dhowrista xuquuqda aadanaha, wuxuuna xusay inay ciidamada Soomaalida ku boorriyaan dhowrista xuquuqda dadka.

"Tixgelinta xuquuqda aadanaha waa mid saldhig u ah tababarka ciidamadeenna, waxayna ciidamadeennu ku shaqeeyaan xushmeynta sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda bani'aadamnimada dunida," ayuu yiri ergayga.

Dhanka kale, ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay kala shaqeynayaan ciidamada booliiska Soomaaliya sidii amaanka loo adkeyn lahaa, si looga hortago dilalka loo geysto suxufiyiinta.

"AMISOM ma ogolaal doonto in la dilo qof Soomaali ah," ayuu yiri Annadif oo intaas ku daray: "Waxaanu diiradda saaraynaa sidii loo dhisi lahaa awoodda booliiska Soomaaliya si ay u difaacaan shacabka."

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in booliiska AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxay booliiska Soomaalida baraan sida loo baari lahaa dambiyada, sidoo kalena waxay gacan ka siiyaan adkeynta ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya