4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Madaxweynaha Puntland oo furay mashruuc lagu dhisayo Runway-ga garoonka diyaaradaha ee Boosaaso (SAWIRRO)


Isniin, December 10, 2012 (HOL)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu daah furayey mashruuc lagu ballarinayo garoonka magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn deegaanada Puntland.

 

Waxaana kasoo qayb galay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaa sidoo kale joogey xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Ganacsatada, waxgaradka iyo haweenka.

 

Madaxweynaha oo isagu ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha Airport-ka Boosaaso soo maray iyo waxyaabaha ka dhiman, wuxuuna sheegay in garoonka horay loo qorsheeyey in loo sameeyo dhabaha ay diyaaradaha waaweynka ahi kusoo degaan (Runway), haseyeeshee ay suurtagal noqon weydey, kadib markii loo bilaabay qaab aan sax ahayn.

 

Dr. Faroole ayaa ugu danbeyntii sheegay in garoonka loo hayo lacag gaareysa 3.6 Milyan oo Yuuro, lacagtaas oo ay ku deeqday dowladda Talyaanigu, islamarkaana loo adeegsan doono sidii Runway-ga garoonka Boosaaso loogu dhisi lahaa.

 

Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayuu ugu baaqay inay gacan ka geystaan mashruucan, mar uu taas ka hadlayeyna wuxuu yiri: "wax aynaan waxba ku darin cidi inoo sameyn mayso, kulli waa inaynu wax ku darnaa, aduunyadi waa is bedeshey maanta, wax aadan qayb ka qaadan cidi kuu sameyn mayso".

 

Gossipy oo isagu ka socdey dowladda Talyaaniga ayaa intaas kadib hadalka qaatay, wuxuuna ugu horeyn sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Boosaaso, isagoo intaas raaciyey in mashruucani uusan sidii loogu tala galay u hirgeli doonin, hadii la waayo taageerada bulshada.

 


Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Siciid Xuseen Ciid oo isna ku hadlayey magaca ganacsatada ayaa ugu danbeyntii sheegay in ganacsatu ay diyaar u yihiin in ay si kal iyo laab ah uga qayb qaataan dhismaha Airport-ka, maadaama uu ganacsigoodu u baahan yahay garoon weyn oo caalami ah.

 

Airportka magaalada Boosaaso oo isagu ah kan ugu weyn deegaanada Puntland, ayaan ah mid aysan diyaaradaha waaweyn ee xamuulku soo caga dhigan karin, waxaana haddii Runway loo sameeyo uu noqon doonaa mid qayb weyn ka qaata koboca dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan dalka.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya