4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kasoo Reeyneysa (SAWIRRO)

Isniin, December 10, 2012 (HOL) —Waxaa soo hagaageysa xaaladda caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu dhawaan dhaawac kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay afaafka hore ee masjidka Al-hidaya oo ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Xildhibaanka oo ay maanta saxaafadda ku booqatay isbitalka Aga-khan ayaa ka warbixiyay xaaladiisa caafimaad, wuxuuna xildhibaanku sheegay in dhaawacyo ay kasoo gaareen labada lugood iyo gacmaha, imikana laga daweynayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in inta isbitalka uu ku jiro ay sii socon doonaan howlihii uu degmada ka hayay, isagoona xusay in uu dhisay guddi sii wada howlahaasi.

“Qaraxu wuxuu igaga dhacay labada lugood iyo gacanta, saan isbitalka u imid waa layga daweeyay waana fiicanahay, nasiib wanaag ma jiro dhaawac iga soo gaaray xagga dusha ama madaxa, imika waa lafo jabay waana la kabayaa, waxaana rajeynayaa sida ugu dhaqsaha badan inaan isbitalka uga soo baxo,”  ayuu xildhibaanku yiri.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii xildhibaan Yuusuf Xasan uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii, waxa isbitalka ku qulqulayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadda Islii, kuwaa oo aad uga xumaaday dhibaatada soo gaartay xildhibaanka.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa wax weyn ka qabtay degmada laga soo doortay ee Kamakunji, waxaana mudadii uu xilka hayay uu isbadal ku sameeyay dhinacyada, ammaanka, dhismaha wadooyinka iyo weliba nadaafadda xaafadda, oo inta aan la dooran kahor ahayd mid aad u liidata.

Xildhibaan yuusuf Xasan oo baaq u jeedinayay shacabka ku dhaqan xaafadda Islii ayaa yiri “Anigu dadka waxaan oran lahaa heegan ahaada, qofaan sharciga jabin amase aan danbi geysan askartu wax ma yeeleyso, aniguna waxaan ku rajo weynahay ilaahay inuu ii gargaaro, dhawaanna isbitalka kasoo baxo, howlihii aan u hayay iyo kuwo ka badanna aan usii qabto.”

Masuulkani ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlihii ka socday xaafadda, wuxuuna xusay in uu u sharaxanyahay kursiga marka la gaaro xilliga doorashada.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku dhaawacmay qarax 7-dii bishan aynu ku jirno lagula eegtay afaafka hore ee masaajid u kusoo tukaday salaadda cishaha, xilli uu halkaasi kula hadlayay dadweeyne fara badan oo goobta ku sugnaa, waxaana qaraxaasi uu sababay dhimashada lix qof iyo dhaawaca in ka badan 20 qof.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi – Kenya