4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiyada oo ka Arrinsanaya Qaab lagu Wada-qanco oo dib loogu noqdo Codadka Hargeysa
Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo xisbiyada, ayaa kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kaas oo ay kaga arrinsanayaan qaabka dib loogu eegi doonno tirinta codadka degmadda Hargeysa.

Kulankan ayaa Guddida Doorashooyinka iyo xisbiyaddu ka wada hadleen qaabka dib loogu noqonayo tirinta codadka, kuwaas oo ku kala aragti duwanaaday, isla markaana laga yaabo inay laba maalmood qaadatay siday iskula afgaran lahaayeen qaabka uu noqonayo dib u eegista dambe.

Haseyeeshee, wararka qaar ayaa sheegaya in ururada qaar rabaan in guud ahaan dalka oo dhan dib loogu noqdo tirinta codadka, halka ururada qaarna qabaan in Degmadda Hargeysa uun la baadho wixii khalad ah ee ku jira, halka aragti kalana odhanayso in goobaha kale ee cabashadu ka jiraana loo tixgaliyo.

Gudoomiyeyaasha xisbiyada ee kulanka la qaatay guddida Doorashooyinka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan wixii ay ka wada hadleen, haseyeeshee gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa si kooban u sheegay in laga arrinsanayey sidii dib loogu noqon lahaa tirinta codadka ee magaaladda Hargeysa.

"Kulanku waxa uu ahaa sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay in dib loo tiriyo codadkii Hargeysa oo sanduuq-sanduuq loo tiriyo si ay ugu qancaan cida cabanaysaa, Waanay dhici kartaa in musharaxiintii hore ee ay ku dhawaaqeen qaar waxba waayaan qaar kalena soo baxaan. Markaa Go'aanku waxa uu noqday uun in Sanduuqyadii Hargeysa dib loo furo oo halhal laysula tiriyo"ayuu yidhi gudoomiyaha ururka DALSAN Ismaaciil Yare oo ka hadalyey wixii ay ka wada hadleen Guddida doorashooyinka.

"Ururada qaarna fikrado kale ayay qabeen oo ah in Dalkoo dhan dib loo tiriyo oo dib u eegis lagu sameeyo. Komishankuna waxay ku adkaysanayaan in Hargeysa dib loo tiriyo Qolo walibana ay keensato Muraaqibiintoodii ay ku kalsoonayd”ayuu raaciyey hadalkiisa gudoomiyaha DALSAN.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha urur ka XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn in Hargeysa oo kaliya lagu noqdo balse ay tahay in meelo badan oo dalka ka mid ahi uu musuqmasuq baahsani ka dhacay, sidaa darteed aanu dalku ahayn Magaaladda Hargeysa oo qudha balse loo baahan yahay in dib loo wadda qiimeeyo oo loo eego.

 “Cabashooyinka ku saabsan doorashaddu may ahayn kuwa Hargeysa ku kooban oo kaliya, anaguna waxaanu hore u dalbanay imikana aanu dalbanaynaa in la saxo wax alaale iyo wixii khalad iyo gef ka soo baxay doorashadda, khaladaad badan baa dhacay oo fiidiyow baa la hayaa"ayuu gudoomiyaha ururka XAQSOOR oo shalay warbaahinta la hadlay, waxaanu intaas ku daray "Sanaaduuqdii oo gaadhi dushii saaran oo lagu shubanayo, iyagga oo geed hoostii lala tagay oo lagu shubanayo, waxa la hayaa Markhaatiyadii oo dhan, waxa la hayaa waraaqihii lagu coddeeyay oo sanaaduuqdii laga soo qufay, Tallaabada komishanku naguma filna oo shacabka kuma filna”.

Gudoomiyaha XAQSOOR ayaa sheegay inay ururo kale ay arrintaasi la qabaan oo loo baahan yahay in la qanciyo, isla markaana dib loo saxo, waxaanu sheegay in si wal oo ay cadaaladu ku saxmayso loo baahan yahay in lagu saxo.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii labaad ee xisbiyada iyo guddida doorashooyinka oo maanta dhacayey ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin, waxaana laga yaabaa inay wakhti qaadato sidii aragtiyada kala duwan meel la iskugu keeni lahaa, isla markaana loo bilaabi lahaa dib u tirinta dambe ee guddidu soo jeedisay.
 
Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland