4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2012
Tababar lagu Kobcinayo Hal-abuurka Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]


Isniin, December 10, 2012 (HOL) — Hay'adda ILO iyo haya'dda Horn For Relief and Development (HRD) ayaa maanta tababar lagu kobcinayo hal-abuurka ganacsiga haweenka Soomaaliyeed Muqdisho uga furay 25 xubnood oo ka kala socday urrurada ganacsiga iyo dowadda Soomaaliya, iyadoo fulinta tababarka ay qayb ka tahay hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA.

Furitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka socday dowladda iyo kuwo ka socday ururrada ganacsiga ee dalka ka jira, waxayna dhammaantood qireen in haweenka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin horumarka ganacsiga Soomaaliyeed.

"Ganacsiga waa kan keliya ee dalka uu horumar ku gaari karo, runtiina tababarkan wuxuu ku saabsan yahay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay hal-abuur u sameyn lahaayeen, gaar ahaan dumarka," ayay tiri Duniyo Maxamed Cali oo ka socday IIDA, iyadoo xustay in ganacsiga Soomaalida uu yahay mid aan hal-abuur lahayn oo ay dhacayso in hal shay ay Soomaalida oo dhan ka ganacsadaan, halkii ay waxyeebo kala duwan ka ganacsan lahaayeen.

Xubnaha tababarkan ka qaybqaadanaya ayaa ka socda: wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada, maamulka gobolka Banaadir, ururka haweenka ganacsatada Soomaaliyeed (SWEA), rugta ganacsiga Soomaaliyeed, wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed, Zamzam Foundation iyo hay'adda IIDA.

Guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo furintaanka tababarka hadal ka jeedisay ayaa bogaadisay ganacsiga haweenka, waxayna ku baaqday in haweenka Soomaaliyeed la caawiyo si ay u horumariyaan ganacsigooda.

"Haweenka Soomalaiyeed waa in la taageero, waayo haddii aan kalsooni la siin ma dhacayso in ganacsigooda uu horumar sameeyo, waxaana ku talinayaa in haweenka laga taageero horumarinta ganacsigooda," ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale, waxaa furitaanka tababarka ka hadlay xoghayaha guud ee xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cismaan isagoo sheegay in loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed la taageero, wuxuuna xusay in haweenku ay ku dulman yihiin goobaha shaqada.



"Gabdhaha waa la liidaa marka ay goobaha shaqada yimaadaan. Waxaad arkaysaa gabar iyo wiil isku shaqo ah oo uu wiilku mushaar badan yahay, waana tan la garan la'ayahay waxa sababay," ayuu yiri Cumar Faaruuq, isagoo intaas ku daray: "Waa hubaal in haweenku ay yihiin xudunka ganacsiga Soomaalida ragga Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo howl gabay, waxaa haweenka lagu xusuustaa inay xilliyadii uu dhibku jiray iyaga ahaayeen kuwa ganacsiga waday, marka waa in la taageeraa sidii loo horumarin lahaa ganacsigooda."

Sidoo kale, Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in awoodda dhaqaale ee haweenka oo la kordhiyo ay aad u wanaagsan tahay, wuxuuna ku baaqay in haweenka ay helaan xuquuqdooda marka ay guriga joogaan iyo marka ay goobaha shaqooyinka joogaan. "Haweenka waa in la maalgeliyo si dalka ay u gaarsiiyaan horumar," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maryan Maxamed Cilmi oo iyaduna ku hadlaysay magaca dalladda ganacsatada haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dalladooda ay ku mideysan yihiin 12 urur haween, kuwaasoo dalka ku kala firisan, waxayna sheegtay inay iska warhayaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan caawinta haweenka Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa waxaa inta uu socdo ay ku baran doonaan xubnaha ka qaybta ka qaadanaya sidii lagu horumarin lahaa ganacsiga haweenka Soomaaliyeed iyo sidoo loogu wacyigelin lahaa haweenka inay sameystaan fikir ganacsi oo cusub intii ay daba-joogi lahaayeen ganacsiyada jira.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya