4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo degmooyin cusub uga magacaabay deegaano ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub ku kordhiyay gobollada Bay iyo Bay, iyadoo lagu shaaciyay magacaabista degmooyinkan wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya

Laba wareegto o kasoo baxday xafiiska madaxweynaha kuna taariikheysnaa 22-kii bishii July, 2012 ayaa lagu magacaabay degmooyinkan, waxaana qoraallada lagu kala magacaabay degmooyinka lagu sheegay in magacaabistooda ay ku timid codsi ka yimid wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Deegaanka Dalan-doolle ee gobolka Bay ayaa loo aqoonsado degmo wixii maanta ka dambeeya degmo buuxda. Sidoo kale deegaanka Buulo-jadiid oo gobolka Bakool ka tirsan ayaa waxaa isna loo aqoosaday degmo buuxda.

Madaxweynaha ayaa wareegtooyinkiisa ku sheegay in magacaabista degmooyinka loo cuskay xeerarka maamullada degmooyinka iyo gobollada dalka ee Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya u magacaabo degmooyin deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool oo ay horraantii sannadkan billaabeen ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya inay degmooyin ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Xudur ay kala wareegaan Xarkada Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegtooyin uu shalay soo saaray saddex degmo oo ka tisan gobolka Shabeellada dhexe ugu aqoonsaday degmooyin buuxa, waxaana magacaabidda degmooyinka ay imaanaysaa iyadoo wax ka yar laba toddobaad ay ka harsan tahay xilliga ay dalka ka talinayso dowladda hadda jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya