4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2012
Ciidammo Rasaas khasaare geystay ku furay Dadweyne dhigayay Mudaaharaad ay ku Taageerayaan Imaanashaha Farmaajo
Khamiis, Ogoosto 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan DKMG ku fureen dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan imaanshaha ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, iyadoo ay rasaastaas ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

Ciidamada rasaasta furay ayaa markii hore isku dayay inay kala cayriyaan shacabkii dibadbaxa dhigayay, balse ciidammo mudaaharaadka la socday ayaa isku-dayeen in ay ka hortagaan amarkaas, taasoo keentay inay goobta rasaas ka billaabato.

"Askari ka mid ahaa kuwii la socday dibabaxa iyo nin oday ah ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ku fureen dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan Farmaajo," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugnaa isgoyska Sayidka ee waddada Maka-Al-Mukarama oo uu falkan ka dhacay.

Goobjoogayaal kale, ayaa sheegay in ciidammada dowladda ee rasaasta furay ay wateen gaari Toyoto ah oo lagu sharraxay sawirka madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo aysan dowladdu weli ka hadlin falkan.

Dibadbaxayaashii ayaa billaabay inay kala cararaan, iyadoo goobta uu soo gaaray gaari ay wateen ciidamada nabadsugidda DKMG ah, kuwaasoo dibadbaxayaashii ku wargeliyay inay goobta isaga tagaan.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweyne fara badan oo uga hortagay garoonka diyaaradaha, waxaana tani ay muujinaysaa taageerada ay shacabku u hayaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacaan doorasho lagu soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya marka la gaaro 20-ka bishan Ogoosto oo ay naga xigto illaa 11-maalmood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya