4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2012
Dagaalyahannada Al-shabaab oo weerar ku dilay Guddoomiyihii ay Dowladda KMG ah u magacowday Deegaanka KM-50
Arbaco, Ogoosto 08, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa weerar ay xalay ku qaadeen deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeellada hoose  waxay ku dileen guddoomiye ay dowladdu u magacowday maalin ka hor deegaankaas, kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cali Xasan.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in lagu dilay guddoomiyihii deegaankaas weerar gaadmo ah oo ay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ka sameysteen deegaankaas oo maalmo ka hor ay qabsadeen.

"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan, mujaahidiintu waxay ku dileen guddoomiye loo magacaabay deegaankaas. Sidoo kale waxaa lagu dilay askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM," ayuu yiri afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo dagaalka faahfaahiyay.

Sidoo kale, afhayeenku ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ay Al-shabaab la beegsanayso saldhigyada ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ay ku leeyihiin gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM oo ku saabsan dagaalkan, balse waxaa maanta deegaankaas ay ku yeesheen saraakiisha dowladda KMG ah iyo maamulka gobolka Shabeellada hoose sidii loo adkeyn lahaa ammaanka deegaannada laga qabsaday Al-shabaab.

Gobolka Shabeellada hoose oo ay intiisa badan ka taliso Al-shabaab ayaa wuxuu u muuqdaa in dowladda KMG ah ay ka dhiganayso bartilmaameed si ay uga qaybsato Al-shabaab oo tan iyo sannadkii hore isaga baxaysay deegaanno badan oo ay horay uga talin jirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya