4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Magaalada Bristol oo Xalay Afur iyo Casha Sharfeed loogu Sameeyey Orodyahanada Zamzam iyo Maxamed


Talaado, August 07, 2012(HOL):Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo GudigII Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo kamida Laacibiinta Dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida Odayaasha Magaalada iyadoo uu usheegay in Bristol tahay magaalo Soomaalida ku nool ay ku caan baxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Agaasimaha hey`ada Actoforsomalia oo ah hey`ada soo Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay in ay farxad u tahay in Hey`ada Actoforsomalia in ay isku howsho markasta arimaha quseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.

Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo sheegtay in Qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan Magaceena matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u tirisay Zamzam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudu usoo ahaa.


Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadya Fanaanka da`ada yar ee Ceydaruus mali boy kaasoo uu ugu talagalay Labadan orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin waxkastooy ku hormarin kareen awoodooda oradeed si lamida kuwa wadamada Caalamka, sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee Dalal Badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna ka hadlay Madasha aadna ugu mahad celiyey Xafladan, isagoo sidoo kale ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay isku soo taagaan, Rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn, isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.


Sidoo kale Gudoomiyihii Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen Dalkan Ingiriiska ay tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in Arintii Calan qaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid iyaga katimid balse xaga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan taasna ay u tahay sharaf.

Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Actforsomalia isagoo uga mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan shiyahooda Magaalada Bristol,sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Kasoo qeybgalayaasha, iyadoo Xafladan  uu Xiriirinayey Wariye Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore)  iyadoo Zamzam laga codsaday in ay qaado Heestii wadaniyada ee lagu bartay taasoo Zamzam aqbashay, iyadoo markaa Xaflada   kusoo gaba gabowday farxad iyo Hambalyo loo tabinaayey Oradyahanadeena Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan.