4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Askar dhaawac ah iyo Al-Fannaan Cabdi Tahliil oo daweyn dibadeed loo qaaday

Talaado, Ogoosto 07, 2012— Dowladda KMG ah ayaa maanta ka dhoofisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

Ciidamada la dhoofiyay oo tiradoodu ahayd lix ayaa waxay isugu jireen saraakiil iyo askar dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen dagaallada ka socda gobollada ku dhow magaalada Muqdisho.

"Waxay ciidamadan ku dhaawacmeen dagaallada ka socda dalka iyo gobollada ku dhow-dhow, waxaana dadaalka lagu qaadayo intiisa badan iska leh madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana rajeynaynaa inay caafimaad kusoo laabtaan," ayuu yiri Abuukar Xaaji Warsame (Xuute)

Sidoo kale, Abuukar Xuute oo dhoofinta askartan u qaablisan wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadan ay dhiirigelin u noqonayso askarta kale ee dowladda KMG ah oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab.

Ciidamadan oo ay dhaqaatiirta dalku sheegeen inaan gudaha waxba looga qaban karin ayaa waxay tiradoodu ahayd 12-askari, iyadoo lixdii askari ee hore horraantii bishan laga dhoofiyay dalka si dibadda loogu soo daweeyo.

"Dhaawaca afar bilood ka hor ayuu i soo gaaray, lafo badan ayaa iga maqan, aad ayaana ugu faraxsanahay in daweyn dibadda ah la ii qaado," ayuu yiri Cabdi Xasan Guuleed oo ka mid ahaa askartii maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaraha ee Muqdisho.

Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo aan isagu la hadlin saxaafadda ayaa wuxuu in muddaalaba sugayay jawaabta codsi uu u gudbiyay madaxda dowladda KMG ah oo ahaa in lagu soo daweeyo dalka dibaddiisa, waxaana si xun u naafeeyay fannaanka cudurka dhiig-karka oo ka itaal-darreeyay lug iyo gacan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya