3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Beelaha Soomaalida qaarkood oo kasoo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Beelaha Soomaalida qaarkood ayaa aad uga soo horjeestay qaabka loo xulayo xildhibaannada baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya, waxaana beelaha cabanaya ka mid ah beesha Gaaljecel oo eedeyn u jeedisay wakiilka ugaaskooda.

Xubno ka hadlay kulan ay beeshan shalay ku yeelatay Muqdisho ayay ku sheegeen in wakiilka Ugaaska Gaaljecel uu gudbiyay liiska xildhibaannada baarlamaanka uga mid noqonaya beesha, iyagoo sheegay xubnahaas aysan iyagu soo wakiilan.

Sidoo kale. waxaa jira beelo kale oo ay ka mid tahay beesha Cayr oo kulan ay ku yeesheen iyaguna Muqdisho ka sheegay in wakiilka ugaaskooda uu gudbiyay liis aysan isku raacsanayn beesha, waxaana beelahan ay ku eedeeyeen wakiillada in laga iibsaday boosaska, balse xubnaha ay gudbiyeen aysan ahayn kuwii beelahooda ay wakiisheen inay uga mid noqdaan baarlamaanka.

Maalmahan ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin noocan oo kale ah, kuwaasoo ay jeedinayeen beelaha qaarkood, iyadoo guddiga farsamo ee fududeynaya soo xulista xildhibaannada baarlamaanka ay sheegeen in xulista xildhibaannada cusub ay marayso meel gabo-gabo ah.

Dhanka kale, waxaa iyaguna jira cabashooyin ay haweenku ka qabaan inaysan heli karin saamigii ay ku lahaayeen baarlamaanka oo 30% ah, iyadoo mas'uuliyiin ka mid ah haweenka ay sheegeen in beelaha qaarkood ay diideen inay haween u dirsadaan kuraasta ay ku leeyihiin baarlamaanka.

Guddoomiyaha ururka SSWC, Caasho Xaaji Cilmi oo la hadlaysay maanta BBC ayaa sheegay in walaac xooggan ay ka qabaan in la helo saamiga haweenka ay ku leeyihiin baarlamaanka cusub ee soo socota.

Hadalladan ayaa waxay imaanayaan iyadoo madaxda DKMG ah iyo danjire Augustine Mahiga ay ku celceliyeen in xulista xildhibaannada baarlamaanka ay noqoto mid ka hufsan nin jeclaysi iyo eex, sidoo kalena haweenka la siiyo saamiga ay ku leeyihiin baarlamaanka cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/7/2012 5:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya. Haddaba maxay tahay sababta uu shaqada ka tago.

8/7/2012 4:38 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL)Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.

8/7/2012 4:18 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HO): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka doorashooyinka golaha deegaanka.

8/7/2012 11:14 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Dowladda KMG ah ayaa maanta ka dhoofisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

8/7/2012 11:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012— Beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha Hawiye ayaa si weyn u diiday liis la sheegay in ay ku qornaayeen shaqsiyaad loo magacaabay in ay beesha u metelayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu mashquulsan yahay soo xulitaanka xubnihiisa.

8/7/2012 8:50 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dooddan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayhaa waxaa ka qaybgalay ganacsato isugu jiray rag iyo dumar.

8/7/2012 8:17 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda oo Kalfadhi aan caadi ahayn maanta iskugu yimid, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

8/7/2012 8:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday maamulka sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, iyadoona xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub.

8/7/2012 8:07 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qayb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

8/7/2012 8:06 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

8/7/2012 8:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in dawladda Denmark ay xafiis ka furanayso Magaalada Hargeysa, isla markaana shaqadeedda ay si rasmi ah u bilaabayso.

8/7/2012 7:29 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Inta la og-yahay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka DKMG ee gobollka Hiiraan ayaa ku dhintay illaa shan qof oo kalana way ku dhaawacmeen, kaddib markii si lama filaan ah uu mid ka mid askarta geeriyootay ugu qaraxday Bam uu sitay, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Xaawa Taako ee magaalada Baladweyne.

8/7/2012 4:41 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Suxufiyad ka hawlay Telefishanka xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Hodan Caafi ayaa waxaa dhibaato u gaystay taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee bileyska Boorame ee gobolka Awdal, kaas waxyeello kasoo gaadhay wejiga sida Ilkaha, isha hoosteedda iyo dibinta oo la sheegay inay dilaacday.

8/7/2012 4:13 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan kula yeeshay madaxtooyada Somalia saraakiisha ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo uga mahadceliyay guusha ay ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab.

8/7/2012 3:49 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Iyadoo guud ahaan marka aad eegto khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arinta ku saabsan soo xulista xildhibannada uga mid noqonaya gobollka Hiiraan baarlamaanka soo socda, ayaa waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/7/2012 3:21 AM EST
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimoe ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska madaxnimo ee Soomaaliya.