4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Dowladda Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay 28 sarkaal oo Ciidamada Cirka ah si ay gacan u geystaan sugidda Ammaanka Muqdisho

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 28-sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada cirka dalkeeda ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qayb uga qaataan sugidda ammaanka Muqdisho oo lagu wado inay dhammaadka bishan ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxay ku shaqeyn doonaan diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si ay dusha sare uga ilaaliyaan goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhici doonta Muqdisho bishan 20-keeda.

Taliyaha ciidamada Uganda ee UPDF-ta loo yaqaan, Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha ciidamada cirka dalka Uganda, Jen. Jim Owesigire oo la hadlayay ciidamadan ka hor intii aysan kasoo dhoofin Kampala ayaa kula taliyay inay howshooda u gutaan sidii loogu talogalay.

"Howsha ciidamadan waa inay xoojiyaan howlaha kala duwan ee AMISOM ay gudaha Soomaaliya kawaddo," ayuu yiri Jen. Nyakairima oo intaas ku daray inuu rajo wanaagsan ka qabo inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Uganda wuxuu sheegay inay sharaf weyn u tahay dalka Uganda inay gacan ka geysato sidii uga caawin lahayd dowladda Soomaaliya sugidda ammaanka inta doorashooyinku ay socdaan.

Ugu dambeyn, Jen. Aronda wuxuu sheegay in sidoo kale saraakiishan ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM oo qaybtooda ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda kuwaasoo aan horay u lahayn ciidammo ka taageera howlgalkooda dhinaca cirka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya