4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Ciidamada Dowladda iyo kuwa xoogagga Raaskaambooni oo dagaal kula wareegay deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay deegaanka Biibi oo qiyaastii 90 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Dagaalyahannadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Biibi ayaa isaga baxay kadib markii ay ka warheleen duulaan ay ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya kusoo qaadeen deegaankaasi oo saldhig u ahaa Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka Max’ed Faarax Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo kahor 20-ka Bishan August, wuxuuna sheegay in lawareegidda deegaanka Biibi ay qeyb ka tahay howlgallada ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Jubooyinka.

"Guud ahaan ciidamada waa ay soo guureen marka laga reebo ciidamada difaacyada Afmadow iyo deegaanada kale ee aan horay u qabsannay, hadda waxaan u dhaqaaqnay sidii aan gacanta ugu dhigi lahayn magaalada Kismaayo," ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Dagaalyahannadii Al-shabaab ee isaga baxay deegaanka Biibi ayaa la sheegay in ay aadeen dhanka deegaanka birta dheer oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Kismaayo.

Xaaladda deegaanka biibi iyo deegaanada ku xeeran ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana xilli walba suurogal ah in ay halkaasi ka qarxaan dagaallo xooggan oo dhexmara ciidamada isgarabsanaya iyo Al-shabaab.

Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa hore xoogagga Al-shabaab ugala wareegay degmooyinka Afmadow, badhaadhe iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga kuwaasoo dhamaantoodba katirsan gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya