4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay khilaafka ka taagan soo xulida Xildhibaanada Gobolka uga mid noqonaya Baarlamanka soo socda
Talaado, Ogoosto 07, 2012 (HOL) — Iyadoo guud ahaan marka aad eegto khilaaf xoogan uu ka taagan yahay arrinta ku saabsan soo xulista xildhibannada uga mid noqonaya gobolka Hiiraan baarlamaanka soo socda ayaa waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka .

Guddoomiyaha maamulka gobollka, Cabdifataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha looga baahan yahay in ay dib la tashi ugu laabtaan gobollada ay ka soo jeeda.

"Waan ka war qabnaa muranka iyo is qab-qabsiga ka taagan soo xulista xildhibannada baarlamaanka, si arintaa loo xaliyo waa in ay odayaasha dhaqanka dib talada ugu celiyaan gobollada iyo deegaannada ay matalayaan, si markaa loo soo xulo xildhibaanno leysku raacsan yahay oo ku yimid wadatashi,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa siweyn u soo shaac baxay khilaaf xoogan oo ka taagan soo xulista xildhibaannada uga mid noqonaya gobollka baarlamaanka soo socda, waxaana dooda arintaa ku saabsan siweyn looga dheehan karan qalabka warbaahinta oo ay cabashadooda ku soo bandhigayeen odayaasha iyo siyaasiyiinta saluugsan sida ay wax u socdaan.

"Khilaafka waa mid waqtiga sii dheereyn kara, sidaa daraadeed si loo xiliyo waa in maalin ama labo cisho odayaashu dib la tashi ugu laabtaan gobollada, simarkaa loo soo saaro liis si wanaagsan looga fiirsaday oo qancin kara dhinacyada oo dhan," ayuu yiri C/fitaax Xasan.

Dhinaca kale, maamulka dowladda KMG ee gobollka Hiiraan waxaa uu siweyn u soo dhaweeyay go’aankii dhawaan ergadu ku meel marisay dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya kaasoo bilow ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka dowladnimo buuxda oo ay helaan shacabka Soomaaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya