4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo dhaceysa 10-ka September

Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa kulanka uu yeeshay wuxuu ku magacaabay seddex guddi oo kala qaabilsan qabanqaabada doorashada, maaliyadda iyo araaji qabashada, iyadoo muddada araaji qabashada loo asteeyay inta u dhaxeysa 3-da illaa 6da bisha September.

Afhayeenka Guddiyada la magacaabay Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa saxaafadda u sheegay in marka ay musharrixiinta soo gudbiyaan araajidooda ay 8-da bisha soo jeedin doonaan waxyaabaha ay doonayaan in ay qabtaan haddii loo doorto xilka madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo wixii maalintaas ka dambeeyana  loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynenimada oo 10-ka bisha September dhici doonta.

Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ee la qabanayo 10-ka September 2012 ayaa waxaa isu soo taagay  ku dhawaad 30 musharrax, kuwaasi oo isu jira siyaasiyiin dalka dibaddiisa ka tegay oo xilkan isu soo taagay kuwo dalka ku sugnaa iyo madaxda Dowladdii TFG-da ee waqtigeeda dhammaaday.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]